Elon Musk oo cod geliyey joogitaankiisa shirkada Twitter

Image
Xitaa haddii uu iska casilo xilka agaasimaha, waxa uu sii ahaan doonaa mulkiilaha shirkadda.

WASHINGTON, USA - Dadka isticmaala Twitter-ka ayaa cod u qaaday milkiilaha iyo maamulaha shabakadan, Elon Musk, waxayna si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in uu baneeyo hoggaanka shirkadiisa.

Arrintani ayaa ka dambeysay markii Musk laf ahaantiisa uu dadka weeydiiyay codkooda, isaga oo sheegay in haddii ay u codeeyaan in uu xilka ka dago uu tixgalinayo ra'yiga dadweynaha.

Wax ka badan 17 milyan oo qof ayaa codkooda dhiibtay, iyada oo 57.5% ka mid ah ay u codeysey ‘Haa’ oo micnaheedu yahay in uu xilka ka dago, halka 42.5% ay kasoo horjeedsadeen.

Markii ay soo baxday natiijada codbixinta ayay islamarkiiba sare u kaceen saamiyada suuqa ee shirkadiisa baabuurta samaysa ee Tesla, sidda ay ku warantey warbaahinta Mareykanka.

Musk ayaa mar aanan fogeyn Twitter ku iibsaday $44 bilyan oo doolar, isaga oo eryay kala bar shaqaalihii oo ay ka midyihiin maamuleyaashii, kadibna isaga ayaa la wareegay hoggaanka.

Lama oga sababta ka dambeysa in Musk uu cod galiyo sii joogitaankiisa xilka. Balse xitaa haddii uu iska casilo xilka agaasimaha, waxa uu sii ahaan doonaa mulkiilaha shirkadda.

Dad kala duwan oo horey ugu shaqayn jirey ayaa sheegay in laga yaabo in dadka maalgashtay shirkadda aysan ku qanacsanayn maamulkiisa, islamarkaasna ay ku cadadiyeen in uu xilka ka dego.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muwaadiniinta Shiinaha oo Lagu Dhibaateeyo Garoomada Diyaaradaha New Zealand

Ganacsiga u dhexeeya labada dal ayaa ah mid aad u ballaaran, iyadoo labada dal ay sanadkii hore wada ganacsadeen qiimo dhan 22.9 bilyan oo doollar.

  • Caalamka

    17-09-2025

  • 07:41AM

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM