Elon Musk oo jawaab ka bixiyay martiqaadkii XMS ee booqashada Qasa

Image
Musk ayaa diiday martiqaadkan, isaga oo u sababeeyay ammaan darro.

QASA (GO) - Maalqabeenka Maraykanka ah ahna mulkiilaha Madasha X, Elon Musk, ayaa ka jawaabay martiqaadkii Xamaas inuu booqdo marinka Qasa ka dib booqashadiisa Israel.

Musk ayaa qoraal oo soo dhigay bartiisa ‘X’ ku sheegay: ”Xaaladdu waxay hadda u muuqataa mid khatar ah, laakiin waxaan aaminsanahay in barwaaqada Qasa ee muddada dheer ay faa’iido inoogu jiri doonto dhamaanteena”.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa ku casuumay maalqabeenka Mareykanka inuu booqdo marinka Qasa si uu u arko heerka uu gaarsiisan yahay burburka ka dhashay duqeynta Israel.

Musk ayaa Shalay oo Isniin ahayd booqday goobihii ay Xamaas weerartay gudaha Israa’iil, wuxuuna ku dhawaaqay in ay ka go’an tahay in uu sameeyo wax kasta oo lagama maarmaanka u ah joojinta fiditaanka nacaybka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM