Elon Musk oo qad cas u xariiqay maamulka shirkadda Twitter

Image
Is-qabqabsigan ayaa salka ku haya tiradda akoonadda been abuurka ah ee bartan.

WASHINGTON, USA - Elon Musk ayaa sheegay in heshiiskiisa $44 bilyan ee uu ku iibsanayo Twitter-ka laga yaabo in uu halis ku jiro sababo la xiriira is-maan-dhaafka ka dhashay tirada akkonada been abuurka ah ee barta Twitter-ka. 

Mr Musk ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in heshiisku uusan hore u socon karin illaa Twitter-ku uu taageero hadalkiisa ah in wax ka yar 5% akonada Twitter ay yihiin kuwa been abuur ah ama spam ah.

"Akoonadda been abuurka ah ee Twitter-ka waa %20, waxayna ka badan tahay tiradda ay sheegto Twitter-ka oo ah %5," ayuu Musk ku daabacay ciwaankiisa Twitter-ka.

Wuxuu raaciyey: "Dalabkayga wuxuu ku saleysan yahay warbixinta rasmiga ah ee Twitter-ka. Shalay waxay diideen in ay soo bandhigaan caddeynta in akoonadda been abuurka ay yihiin %5".

"Heshiiska horey uma sii socon karo illaa ay caddeeyaan warbixintan," ayuu kusoo gabagbaeeyay hadalkiisa isaga oo u muuqda mid ku goodinaya in uu ka laaban doono dalabka iibsashadda.

Madaxa shirkadda Twitter-ka ayaa ka jawaabay hadalka Elon Musk isagoo sheegey in tiradaasi tahay mid khaldan. Labada dhinac ma aysan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadooda.

Falanqeeyayaasha arimaha dhaqaalaha ayaa waxay qiyaasayaan in laga yaabo in Mr Musk uu raadinayo siyaabo uu dib ugala xaajoodo shirkadda qiimaha heshiiska uu sheegey inuu ku iibsanyo shirkadda Twitter ama uu uga baxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM