Elon Musk oo qad cas u xariiqay maamulka shirkadda Twitter

Image
Is-qabqabsigan ayaa salka ku haya tiradda akoonadda been abuurka ah ee bartan.

WASHINGTON, USA - Elon Musk ayaa sheegay in heshiiskiisa $44 bilyan ee uu ku iibsanayo Twitter-ka laga yaabo in uu halis ku jiro sababo la xiriira is-maan-dhaafka ka dhashay tirada akkonada been abuurka ah ee barta Twitter-ka. 

Mr Musk ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in heshiisku uusan hore u socon karin illaa Twitter-ku uu taageero hadalkiisa ah in wax ka yar 5% akonada Twitter ay yihiin kuwa been abuur ah ama spam ah.

"Akoonadda been abuurka ah ee Twitter-ka waa %20, waxayna ka badan tahay tiradda ay sheegto Twitter-ka oo ah %5," ayuu Musk ku daabacay ciwaankiisa Twitter-ka.

Wuxuu raaciyey: "Dalabkayga wuxuu ku saleysan yahay warbixinta rasmiga ah ee Twitter-ka. Shalay waxay diideen in ay soo bandhigaan caddeynta in akoonadda been abuurka ay yihiin %5".

"Heshiiska horey uma sii socon karo illaa ay caddeeyaan warbixintan," ayuu kusoo gabagbaeeyay hadalkiisa isaga oo u muuqda mid ku goodinaya in uu ka laaban doono dalabka iibsashadda.

Madaxa shirkadda Twitter-ka ayaa ka jawaabay hadalka Elon Musk isagoo sheegey in tiradaasi tahay mid khaldan. Labada dhinac ma aysan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadooda.

Falanqeeyayaasha arimaha dhaqaalaha ayaa waxay qiyaasayaan in laga yaabo in Mr Musk uu raadinayo siyaabo uu dib ugala xaajoodo shirkadda qiimaha heshiiska uu sheegey inuu ku iibsanyo shirkadda Twitter ama uu uga baxo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pentagon-ka oo shaaciyay kharashka dagaalka Iran

Hurst ayaa ku jawaabay in qorshe lagu diyaarinayo codsi miisaaniyadeed oo dheeri ah oo loo marsiin doono Aqalka Cad.

  • Caalamka

    30-04-2026

  • 05:36AM

Madaxda dalalka Khaliijka oo Shir Degdeg ah ku yeeshay Saudi Arabia 

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SPA, shirkan waxaa xoogga lagu saaray iskudubaridka dadaallada looga jawaabayo xaaladaha cakiran.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 06:44PM