Emmanuel Macron oo si kulul uga hadlay xariga safiirka Faransiiska ee Niger

Image

PARIS, France - Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in safiirka Faransiiska u fadhiya Niger uu gacanta ugu jiro ciidamada militariga ee dalkaas xukumaya tan iyo afgambigii qabsoomay dabayaaqadii bishii Luulyo.

Milateriga Niger ayaa ku amray safiirka Faransiiska inuu dalka ka baxo dhamaadkii bishii Agoosto ee la soo dhaafay, ka dib markii Paris ay diiday inay u hogaansanto amarada ciidamada.

Tan iyo markaas, Faransiisku wuxuu ka soo horjeeday bixitaanka Safiirka, iyaga oo cuskaneya in dawladda uu militarigu dhisay aysan haysan sharci ay dalka uga ereyso danjiraha.

Macron ayaa xaqiijiyay Axadii in dib u gurashada ciidamada Faransiiska ee Niger ay ku dhici doonto oo kaliya codsi ka yimaado madaxweyne Bazoum. Faransiiska ayaa wali Bazoum u arkaa madaxweynaha sharciga ah ee Niger.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM