Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Image

ANKARA — Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sameeyay isku shaandheyn lama filaan ah oo kooban oo golihiisa wasiirrada ah, isagoo beddelay wasiirradii cadaaladda iyo arrimaha gudaha.

Sida lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee dowladda (Official Gazette), Xeer Ilaaliyihii Guud ee Istanbul, Akin Gurlek, ayaa loo magacaabay Wasiirka Cadaaladda, isagoo beddelaya Yilmaz Tunc. Sidoo kale, Guddoomiyihii gobolka bariga ku yaalla ee Erzurum, Mustafa Ciftci, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo xilka kala wareegay Ali Yerlikaya.

Lama shaacin sabab rasmi ah oo ka dambeysa isbeddelkan, hase yeeshee Wargeyska Rasmiga ah ayaa sheegay in Tunc iyo Yerlikaya ay “codsadeen in xilalka laga qaado.”

Isbeddelladan ayaa ku soo beegmaya xilli Turkigu ka doodayo isbeddello suuragal ah oo lagu sameeyo dastuurka, isla markaana uu wado dadaallo nabadeed oo lala xiriirinayo ururka Kurdistan Workers’ Party (PKK), si loo soo afjaro colaadda soo jiitamaysay tobannaan sano. Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu meel mariyo sharciyo taageeraya geeddi-socodkaas.

Magacaabista Gurlek ayaa loo arkaa mid muran dhalisay. Xeer ilaaliyahan hore ayaa hoggaamiyay dacwado waaweyn oo lala xiriiriyay xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ugu weyn dalka, ee Republican People’s Party (CHP).

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq. Kuwaas waxaa ka mid ahaa duqii magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, oo si weyn loogu arkayay inuu yahay loollanka ugu weyn ee Erdogan, kaas oo la xiray sanadkii hore.

Dhaleeceeyayaasha ayaa ku doodaya in dacwadahaasi ay yihiin kuwo siyaasadeysan, halka dowladda Turkigu ay ku adkeysaneyso in garsoorku u shaqeeyo si madax-bannaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM