Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Image

ANKARA — Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sameeyay isku shaandheyn lama filaan ah oo kooban oo golihiisa wasiirrada ah, isagoo beddelay wasiirradii cadaaladda iyo arrimaha gudaha.

Sida lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee dowladda (Official Gazette), Xeer Ilaaliyihii Guud ee Istanbul, Akin Gurlek, ayaa loo magacaabay Wasiirka Cadaaladda, isagoo beddelaya Yilmaz Tunc. Sidoo kale, Guddoomiyihii gobolka bariga ku yaalla ee Erzurum, Mustafa Ciftci, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo xilka kala wareegay Ali Yerlikaya.

Lama shaacin sabab rasmi ah oo ka dambeysa isbeddelkan, hase yeeshee Wargeyska Rasmiga ah ayaa sheegay in Tunc iyo Yerlikaya ay “codsadeen in xilalka laga qaado.”

Isbeddelladan ayaa ku soo beegmaya xilli Turkigu ka doodayo isbeddello suuragal ah oo lagu sameeyo dastuurka, isla markaana uu wado dadaallo nabadeed oo lala xiriirinayo ururka Kurdistan Workers’ Party (PKK), si loo soo afjaro colaadda soo jiitamaysay tobannaan sano. Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu meel mariyo sharciyo taageeraya geeddi-socodkaas.

Magacaabista Gurlek ayaa loo arkaa mid muran dhalisay. Xeer ilaaliyahan hore ayaa hoggaamiyay dacwado waaweyn oo lala xiriiriyay xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ugu weyn dalka, ee Republican People’s Party (CHP).

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq. Kuwaas waxaa ka mid ahaa duqii magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, oo si weyn loogu arkayay inuu yahay loollanka ugu weyn ee Erdogan, kaas oo la xiray sanadkii hore.

Dhaleeceeyayaasha ayaa ku doodaya in dacwadahaasi ay yihiin kuwo siyaasadeysan, halka dowladda Turkigu ay ku adkeysaneyso in garsoorku u shaqeeyo si madax-bannaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM

Ugu yaraan 9 Qof oo Lagu Dilay Weerar Hubeysan oo Ka Dhacay Dugsi Sare Dalka Canada

Booliiska ayaa sheegay in marka ay goobta gaareen abaaro 1:20 duhurnimo waqtiga…

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 07:28AM