Erdogan: "waa in meesha laga saaro Maamulka Asad"

Image

October 2, 2014 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay in meesha laga saaro maamulka Bashaar Al-Asad ee dalka Suuriya.

Isagoo la hadlayey Baarlammaanka Turkiga wuxuu sheegay in degenaansho iyo nabad ka hirgasha Suuriya ku xiran tahay dhismaha dowlad dimuqraadi ah oo bedesha Maamulka Asad.

" qorshaha nooguma jirto inaan faragelino dal aan deris nahay, waase lagama maarmaan in la helo dowlad dimuqraadi ah dadkuna soo doorteen oo bedesha rijiimka Asad ee dalka Suuriya" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey in Tukiga ay muhiimad weyn u leedahay in helo Suuriya oo nabad ah.

Erdogan wuxuu docda kale carabka ku adkeeyey in Dowladda Turkigu si adag ula dagaalami doonto argagixisada caalamiga ah, gaar ahaan kooxda IS ee ku xooggan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Dagaalka ka dhanka ah IS ayuu sheegay inuu u baahan yahay istaraatiijiyad si fiican looga fekeray iyo qorshe dheer, si looga baaqsado xasillooni darro muddo sii jirta oo gobolka ka dhacda.

Todobaadkan horraantiisii boqollaal kamid ah militeriga Turkiga oo ku hubeysan dabaabadaha dagaalka ayaa gaarey xadka uu dalkaasi la wadaago Suuriya.

Turkiga oo maalin kasta ay gaaraan boqollaal qaxooti ah oo ka cararay colaadda ka aloosan dalka Suuriya, wuxuu cabsi weyn  ka qabaa weeraro uga yimaada dhanka kooxda xagjirka ah ee IS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM