Erdogan: Xamaas ma ahan urur argagaxiso ah

Image

ANKARA - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku sheegay Xamaas in aysan ahayn urur argagixiso, balse ay u halgamayaan sidii ay u difaaci lahaayeen dadkooda iyo dhulkooda.

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa u aqoonsan Xamaasin ay yihiin urur argagixiso ah.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in uu baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa dalka Israa’iil.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale xusay in ku dhawaad ​​kala bar dadka lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaaday Qaza ay ahaayeen carruur.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan leenahay: Ha dilina carruurta, haweenka iyo dadka aan waxba galabsan, dhaqamadaas gurracan waa xaq darro aan qiil laheyn”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM