Ergayga Maraykanka oo gaaray Moscow xili Trump cunaqabateyn saarayo Ruushka

Image

MOSCOW, Agoosto 6, 2025 – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka, Steve Witkoff, ayaa gaaray magaalada Moscow, halkaas oo uu si rasmi ah ugu soo dhoweeyay wakiilka maalgashiga dowladda Ruushka, Kirill Dmitriev, sida uu ilo xog-ogaal ah u sheegay Reuters Arbacadii.

Soo-booqashada Witkoff ayaa timid ayada oo Madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay in Maraykanku cunaqabateyn cusub kusoo rogi doono Ruushka haddii uusan ogolaan xabbad-joojin ku aaddan dagaalka Ukraine kahor maalinta Jimcaha.

Trump ayaa horey u sheegay in ergaygiisa gaarka ah laga yaabo inuu toddobaadkan u safro Moscow, isagoo qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda uu Witkoff la kulmi doono, ilo ku sugan Washington ayaa Talaadadii u sheegay Reuters in ergayga uu la kulmi doono madax sare oo ka tirsan hoggaanka Ruushka. Kremlin-ka ayaa sidoo kale sheegay in suurtagal ay tahay in Madaxweyne Vladimir Putin uu la kulmo Witkoff inta uu joogo Moscow.

Trump ayaa caddeeyay in haddii Ruushka uusan ogolaanin xabbad-joojin kahor Jimcaha, Mareykanku uu qaadi doono tallaabooyin adag, oo ay kamid yihiin cunaqabateyn cusub iyo canshuuro culus oo lagu soo rogo dalalka iibsada shidaalka Ruushka — oo ay ugu waaweyn yihiin Hindiya iyo Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee, saddex ilo wareed oo ku dhow Kremlin-ka ayaa u sheegay Reuters in Madaxweyne Putin aanu u arkin hanjabaadda Mareykanka mid wax ka beddeli karta qorshihiisa dagaal, maadaama uu rumeysan yahay in Ruushku uu wali ku guuleysanayo dagaalka, ayna hadafyadiisa milatari ka horeeyaan danaha xiriirka Mareykanka.

Socdaalka Witkoff ayaa loo arkaa mid xasaasi ah, waxaana laga sugayaa in uu wax ka beddelo xaalada cakiran ee colaadda Ukraine iyo xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Moscow iyo Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weeraradii Iran Qaadeysay Oo Hoos U Dhac Ku Yimid, Sabab?

Duqeymaha ay wadaan ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah….

  • Caalamka

    06-03-2026

  • 12:57PM

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM