Ergayga Ruushka oo luuqada Carabiga kaga hadlay fadhiga Golaha amaanka

Image
Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la jooiyo colaadda.

QASA (GO) - Ku xigeenka ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyansky, ayaa luqadda Carabiga ku hadlay fadhi looga hadlay qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah in looga dhawaaqo marinka Qasa.

Bilowgii, wuxuu Polyansky ku hadlay afkiisa, kaddibna wuxuu ku hadlay luqadda Carabiga, isaga oo leh:

“Aniga oo ku hadlaya afka walaalahey Carbeed, waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo colaadda soo noqnoqotay.”

Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan ku biirnay codkeenna baaqyo badan oo ku aaddan xabbad-joojin waarta, in la xalliyo sababaha asaasiga ah ee colaaddan, lagana shaqeeyo masiibada bini'aadantinimo ee Marinka ka taagan."

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri:

“Ruushka waxa uu si buuxda u cambaaraynayaa fal kasta oo horseedaya in dad rayid ah ay ku waxyeeloobaan, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sidoo kale ma aqbalayno wax qorshe ah oo ku saabsan barakicinta qasabka ah ee dadka deggan Qasa.”

Wuxuu intaas raaciyay: "Ruushku wuxuu taageersan yahay qaraarka qabyada ah ee Golaha Ammaanka ee ay soo jeedisay Imaaraadka Carabta, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan xubnaha golaha inay maanta u codeeyaan."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Croatia oo Diiday inuu Aqbalo Danjiraha Cusub ee Israel

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegtay inay la shaqaynayso dhiggooda dalka Croatia.

  • Caalamka

    19-05-2026

  • 08:51AM

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM