Fahfaahin: Qasaaraha qarax ka dhacay Gedo oo korartay

Image

GARBAHAARAY, Soomaaliya - Qarax Isniintii ka dhacay gobolka Gedo ayaa galaaftay nolosha kow iyo toban askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay saddex kale. sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Weerarkan ayaa lala eegtay gaadiid dagaal inta u dhaxeysa magaalooyinka Luuq iyo Doolow, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Cismaan Nuux Xaaji.

Xaaji ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu haleelay gaarigii tiknikada ahaa ee ay ciidamadu la socdeen, kooxda Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyaddiisa. 

Dadka ku dhaawacmay weerarka waxaa ka mid ah Rashiid Bohol oo ah taliyaha guutada 10-aad ee qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna dhaawaciisa ahaa mid fudud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM