Falastiin oo doonaysa inay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay

Image
Golaha Amaanka ayaa 18-ka bishan April go’aan ka gaari doono codsiga Falastiin.

New York (GO) - Falastiin ayaa doonaysa in ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay, sida uu Isniintii sheegay ergayga Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansuur, tallaabadaas oo laga yaabo in uu is hortaago xulafada Israel ee Mareykanka.

Riyad Mansuur ayaa ku dhawaaqay qorshaha Falastiiniyiinta iyadoo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo XMS ee Qasa oo sii xoogaysanyo.

Mansuur ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters in Golaha Amaanka uu go’aan ka gaari doono arrintan ka dib shir heer wasiir ah oo la qorsheeyay in la qabto 18-ka bishan April oo ku aadan arrimaha Bariga Dhexe.

Waxa uu sheegay in codsigii Falastiiniyiinta ee la gudbiyay 2011-kii ee ahaa in xubinnimo buuxda ka helaan QM uu weli hakad ku jiro, sababtoo ah 15-ka xubnood ee golaha ma aysan qaadan go'aan rasmi ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM