Falcelinta caalamiga ah ee ka dhalatay kacdoonka hubeysan ee Rusuhka

Image
Gadoodka kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa madax-xanuun ku noqotey madaxweyne Vladimir Putin.

DOOXA, Qadar - Dawladaha adduunka ayaa si dhow isha ugu haya dhacdooyinka sida xawliga ah uga socda Ruushka, halkaas oo kacdoon ay sameeyeen kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ay madax-xanuun ku noqotey madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa Sabtidii sheegay in dagaalyahannadiisa ay ka soo gudbeen Ukraine ayna galeen magaalada Rostov-on-Don ee xudduudda Ruushka, iyagoo la wareegay xarumaha militariga ee magaalada oo ay ku jirto garoonka diyaaradaha.

Ukraine

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy oo qoraal soo saarey, ayaa waxa uu sheegay in gadoodka Wagner uu muujinayo in Ruushka uu daciif yahay.

“Daciifnimada Ruushku waa caddahay, waa daciifnimo buuxda, waxaa sii badanaya fowdo, xanuun, iyo dhibaatooyin cawaaqib yeelan doonto hadhow,” ayuu ku yiri hadal uu soo dhigay baraha bulshada.

Maraykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa loo sheegay xaaladda Ruushka iyo Washington "wuxuuna kala tashan doonaa xulafada iyo saaxiibada xaaladan", ayuu yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, Adam Hodge.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tibaaxay in Maraykanku "uu sii wadi doono xiriir dhow oo uu la yeesho xulafada iyo la-hawlgalayaasha inta oo xaaladdu ay sii socoto".

Ingiriiska

Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak oo wareysi degdeg ah bixiyey ayaa ku booriyay "dhammaan dhinacyada inay mas'uul ka yihiin oo ay ilaaliyaan rayidka".

"Waxaan la xiriireynaa xulafadayada marka ay xaaladdu soo baxdo, waxaana ugu muhiimsan in dhammaan dhinacyada ay u dhaqmaan si mas’uuliyadeed,” ayuu u sheegay BBC-da.

Turkiga

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa tibaaxay in Turkiga uu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto raadinta "xal nabadeed" oo lagu gaaro fallaagada hubeysan ee Ruushka isagoo taleefoon kula hadlay dhiggiisa Ruushka.

Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa "wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in lagu dhaqmo si caqli-gal ah", sidda ay kasoo xigatay madaxtooyadda oo bayaan soo saartey.

Iran

Iran ayaa waxay taageereysaa ku-dhaqanka sharciga ee Xiriirka Ruushka waxayna u aragtaa xaaladihii ugu dambeeyay ee halkaas ka dhacay arrimo gudaha ah, sidda ay tabisay warbaahinta dowladda Iran oo soo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Nasser Kanaani.

Qatar

Qatar oo war-saxaafadeed faafisay ayaa muujisay walaaceeda ku aaddan xaaladda Ruushka waxayna ku baaqday "is-xakamaynta ugu badan" dhammaan dhinacyada.

"Wasaaradda arrimaha dibadda [Qadar] waxay ka digaysaa in kororka Ruushka iyo Ukraine ay cawaaqib xun ku yeelan doonaan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah waxayna saameyn doontaa saadka cuntada iyo tamarta caalamka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM