Faransiiska oo qorsheynayo inuu weeraro Niger kadib afgembiga

Image

PARIS -Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada dalka Niger ay awooda xoog kula wareegeen, islamarkaana afgembiyeen madaxweyne, Mohamed Bazoum.

Colonel Amadou Abdramane oo u hadlay ciidamada ayaa sheegay in wasiirkii arimaha dibada ee Xukuumadii la inqilaabay, Hassoumi Massoudou isla markaana haatan u dhaqmaya sidii kusime ra'iisul wasaare uu u qoray Faransiiska ogolaanshaha weerar.

Warkan ayaa soo baxaya iyada oo dalalka ururka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ay ku dhawaaqeen in uu sharci darro yahay afgembiga madaxweyne Mohamed Banzoum, islamarkaana ay ku dhawaaqi doonaan in dalkaasi awood lagu soo celiyo sharciga.

Kadib maalintii afgembiga dibad-baxayaal caraysan oo taageeran Milatariga ayaa ku gubay calanka Faransiiska afaafka hore ee safaaradda Niamey taasi oo keentay in Paris ay ku hanjabto in ay diyaar u tahay difaaca danaheeda dalka Niger.

Dalal dhawr ah oo ku yaala bartamaha iyo Galbeedka Afrika oo uu Faransiisku saamayn ku lahaa ayaa Afgembiyo ka dhacay tan iyo 2021, waxayna soo dedejiyeen in ay u jihaystaan dhanka Ruushka iyo Shiinaha.

Niger ayaa doonaysa inay Ruushka xiriir la sameysato, iyadoo meesha ka saartay Faransiiska oo horey u gumeystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM