Faransiiska oo sabri la' Madaxweynihii la afgembiyay ee Niger

Image

PARIS - Safiirka Faransiiska u fadhiya Niger ayaa sii joogi doona dalkaas in kasta oo cadaadis lagu saarayo in uu ka tago si uu uga badbaado hogaamiyayaashii afgambiga dhowaan sameeyay.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku celiyay taageerada Faransiiska ee madaxweynihii la afgambiyay ee Niger Mohamed Bazoum, oo ku adkaysanaya go'aankiisa in uusan is casilin, taasoo Macron uu ku tilmaamay geesinimo.

Macron waxa kale oo uu sheegay in Paris ay taageeri doonto tallaabo kasta oo militeri oo uu ka qaado Ururka ECOWAS oo lagu soo celinayo dimuqraadiyadii dalka Niger.

Hogaamiyaha Faransiiska oo ka hadlayay khudbad siyaasadeed oo weyn oo uu u jeediyay danjirayaal isugu yimid Paris, ayaa xaqiijiyay in ergayga Faransiiska Sylvain Itte uu ka dhageysanayay hadalkiisa caasimadda Niger ee Niamey inkastoo loo qabtay 48 saacadood inuu dalka uga baxo Jimcihii la soo dhaafay.

Bazoum ayaa xukunka laga tuuray 26-kii bishii July waxaana isaga iyo qoyskiisa lagu xiray qasriga madaxtooyada kadib afgambi oo ay cambaareeyeen Faransiiska iyo inta badan dalalka deriska la ah Niger.

ECOWAS ayaa isku dayaysay inay la xaajooto madaxdii afgambiga samaysay balse waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay ciidamo u dirto, haddii ay fashilmaan dadaallada diblomaasiyadeed.

Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Niger ayaa ku dhawaaqday in danjiraha Faransiiska Itte uu haysto 48 saacadood inuu ku baxo, isagoo sheegay inuu diiday inuu la kulmo hoggaamiyeyaasha cusub.

Macron waxa uu ku adkaystay in Faransiisku aanu bedeli doonin mawqifkiisa cambaaraynta afgambiga iyo taageerada Bazoum, isaga oo carabka ku adkeeyay in si dimoqraadi ah loo doortay madaxweynaha xiran.

Faransiiska ayaa weli waxaa Niger ka jooga 1,500 oo askari, kuwaasoo ka caawin jiray dowladda Bazoum dagaalka ay kula jirto fallaagada Islaamiyiinta.

Sido kale sabtidii, madaxa ciidamada Niger ayaa heegan sare galiyay ciidamada qalabka sida iyadoo la filayo in ay suurtagal tahay faragelin kaga timaada ururka ECOWAS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM