Farmaajo oo tababar u soo xiray ciidan Turkiga tababaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiishan oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom ayuu abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore.

Farmaajo ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada qalinjabiyey looga baahan yahay "in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan dagaalka lagaga xoreynayo dalkeenna argagixisada".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed," ayuu yir.

Dowladda ayuu tibaaxay "in ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalkeenna lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka".

Dowladda iyo shacabka Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga  Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Maamulka Farmaajo ayaa kula heshiiyey xukuumadda Ankara tababarida in ka badan 5-kun askar ah iyadda oo dowladda iyo maamulada ku heshiin siyaasada dhismaha ciidanka qaranka. Su'aalaha ku gedaaman askarta la tababaray waxaa kamid ah wadaaga iyo habka qorista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM