FBI-da oo xirtay Nin kashifay dukumentiyo sirdoon oo laxiriira qorshaha weerar Israel ee Iran

Image

WASHINGTON - Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogtay nin lagu eedeeyay inuu faafiyay dukumintiyo sirdoonka Mareykanka hayay oo ku saabsan qorshaha Israel ee weerarka aargoosiga Iran, sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamadda iyo qof la socda kiiska.

Asif W. Rahman ayaa khamiistii lasoo dhaafay lagu soo oogay dacwad ah inuu si bareer ah u dusiyay xogta qaranka, sida ku cad warqadaha maxkamada. Waxaa lagu xiray Talaadadii gudaha Cambodia wuxuuna marka hore ka soo muuqan doonaa maxkamad ku taal Guam, in kasta oo waaxdu ay ka codsatay in la geeyo Virginia si loogu maxkamadeeyo.

Rahman waxa u shaqayn jiray CIA, sida uu sheegay qof shaqadiisa yaqaan. Dukumentiyada maxkamada ayaa tilmaamaya in ninkan uu u shaqaynayay dawladda Maraykanka.

Rahman waxa uu haystay oggolaansho uu heli karo macluumaadka xasaasiga ah ee CIA-da. New York Times ayaa markii ugu horreysay soo warisay eedda Rahman.

Dukumeentiyada waxa lagu baahiyay akoon Telegram bishii Oktoobar. Waxaana ay sababtay inay Mareykanka iyo Israel bedelaan qorshaha weerarka Iran.

Mid ka mid ah dukumeentiyada ayaa sidoo kale soo bandhigay wax ay Israa'iil had iyo jeer qarin jirtay oo ah haysato hubka nukliyeerka. Dukumentiga ayaa sheegaya in Maraykanku aanu arkin wax calaamado ah oo muujinaya in Israa'iil ay qorsheynayso inay hubka Nukliyeerka u isticmaasho Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM