Gaari uu ka socdey lataliye madaxwayne oo la rasaaseeyay

Image
Serhiy Shefir ayaa badqaba balse waxaa dhaawacmay darawalkiisa oo ku jira xaalad halis ah.

KYVIV, Ukraine - Rasaas ayaa lagu furay baabuur uu saarnaa kaaliyaha madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, dhacdadaas oo sarkaal sarre uu ku tilmaamay "isku day dil".

In ka badan 10 xabadood ayaa haleelay gaariga. Dhacdadan waxay maanta ka dhacay meel u dhow tuulada Lesnyky, oo qiyaastii 5 KM ama saddex mayl u jirta caasimadda Kyiv.

Qoraal kasoo baxay taliska booliiska dalkaas ayaa waxaa lagu caddeyay in laga gudbiyey dadka laga shakisan yahay dacwad ciqaabeed ayaga oo wajahaya eed ah "dil qorsheysan".

Xildhibaan sare oo matalaya xisbiga Shaqaalaha ee Zelenskyy ayaa sheegay in kaaliyaha, Serhiy Shefir, uusan dhaawacmin. Balse waxaa dhaawacmay darawalka baabuurka.

Shefir, oo 57 jir ah kana hadlin wali dhacdadan, ayaa ka mid ah saraakiisha aadka ugu dhow madaxweynaha, isaga oo hoggaaminaya koox la taliyayaal ah.

“Waxaan si kooban ula hadlay isaga, wax walba waa hagaagsan yihiin, wuu nool yahay waana caafimaad qabaa,” ayuu Davyd Arakhamia u sheegay wakaaladda wararka Ruushka.

Zelenskyy, oo xukunka ku yimid ballanqaad ah inuu la dagaallami doono musuqmaasuqa, ayaa hadda ku sugan Mareykanka isagoo ka qaybgalaya Shirka Guud ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 3 askari Mareykan ah oo ku dhintay howlgal ka dhan ah Iran – CENTCOM

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in shan askari oo kale ay soo…

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 04:30PM

Imaaraadka oo ka digay tallaabo adag haddii weerarrada Iran sii socdaan

Markii la weydiiyay suurtagalnimada tallaabo militari, ayay sheegtay in arrintaas ay weli furan tahay.

  • Caalamka

    01-03-2026

  • 12:12PM