"Gabadha ruuxiga ah ee Recep Erdogan" ee wasiirada noqotey

Image
Luuqadaha Holandeska, English-ka iyo Faransiiska ayay si fiican ugu hadashaa.

ISTANBUL, Turkey - Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayib Erdogan oo dhawaan dib loogu doortay xilkaas, ayaa wasiirka cusub ee arimaha qoyska xukuumadiisa u magacaabay xubin hadal hayn badan ka dhalisay baraha bulshada.

Mahinur Özdemir Göktaş ayaa horey xubin uga ahaan jirtay barlamaanka dalka Biljamka muddo 10 sano ah 2009-2019. Mahinur ayaa xilkaasi isaga tagtay 2019 iyada oo noqotay safiirka dalka Turkiga u jooga wadanka Aljeeriya.

Wasiirka cusub ayaa ku dhalatay dalka Biljamka 1982 gaar ahaan caasumadiisa iyada oo jaamacadda heerka koowaad ku qaadatay Human Resource Engineering halka heerka labaad ay ku samaysay maamulka guud.

Mahinur oo ahayd xubintii ugu horaysay ee barlamaanka Yurub iyo midka Biljam soo gasha ee xijaaban ayaa ay si wayn baraha bulshada ugu dhaliileen cunsuriyiinta wadamada reer yurub.

"Gabadha ruuxiga ah ee madaxweyne Erdogan" ayaa loogu yeeraa, sida Al Jazeera ay qortay waxaana haatan ay noqotay wasiirada cusub ee arimaha Qoyska wadankaas.

Luuqadaha Holandeska, English-ka iyo Faransiiska ayay si fiican ugu hadashaa iyada oo ay u wehliso luuqada wadankaasi ee Turkiga.

Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxwayne Erdogan ayuu tilmaamay in ay xooga saari doonto ka dhabaynta balanqaadyadiisi xiligii ololaha doorashada madaxtinimada iyo riyada boqol sano jirsashadda dowladda Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM