Gabar uu dhalay madaxwayne hore oo lagu xukumay xabsi

Image
Tobankii sano ee la soo dhaafay, dhowr jeer ayaa la xiray sababo ku aadan hadalo ay sheegtay.

TEHRAN, Iran - Gabar uu dhalay madaxweynihii hore ee waddanka Iran, Akbar Hashemi Rafsanjani, ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah, sidda uu warbaahinta maxaliga ah u sheegtay qareenadeeda.

"Xukunka ka dhanka ah Faezeh Hashemi ma ahan mid kama dambeys ah,” ayay qareenada, Neda Shams, tiri. "Faezeh ayaa weli ku jirta xabsiga, waxaana jira kiisas kale oo iyada ka dhan ah".

Hashemi waxaa sannadkii hore soo eedeeyay dacwad oogaha guud ee Tehran isagoo lagu eedeeyay "dacaayad ka dhan ah nidaamka," sida ay qortey wakaaladda wararka ee dawladda ee ISNA.

Bishii Sebtembar ayaa la qabtey isla markaana loo gudbiyey xabsiga Evin, sida ay sheegtay ISNA oo aan wax fahfaahin dheeraad ah ka bixin qodobadda lagu soo eedeeyay.

Iran ayaa xabsiga dhigtay bilihii la soo dhaafay tiro dad ah oo caan ah oo ay ku jiraan qoraa iyo gabayaa Mona Borzouei, fanaanada Shervin Hajipour iyo ciyaaryahan kubada cagta Iran Hossein Mahini.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Hashemi ayaa dhowr jeer xabsiga loo taxaabay ka dib markii at sheegtay hadalo ka dhan ah dowladda isla markaana uu ka qeybgalay mudaaharaadyada.

Faezeh Hashemi ayaa waxay xabsiga ku qaadatay bilo kadib markii 2012 loo xiray hadallo ka dhan ah dowladda. Rafsanjani wuxuu dhintay 2017 isagoo 82 jir ah.

Aabaheed ayaa ku caanbaxay la dagaalanka siyaasadaha u jaranjeera reer galbeedka sanad kadib dhamaadkii dagaalkii Iran iyo Ciraaq. Nidaamka hadda jira oo fikirkaas xambaarsan ayaa xormeyn xorriyada hadalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM