Gabdha Guardiola oo taageero u muujisay Falastiin

Image

LONDON - Gabadha uu dhalay tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ku daabacday barteeda Instagram dhowr qoraal oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah Qasa.

Maria Guardiola ayaa daabacday fariin dheer oo ay soo dhigtay barteeda Instagram-ka, taas oo ay la yaabtay aamusnaanta bulshada caalanka xilli ay dhimanayaan tiro badan oo Falastiiniyiin ah.

Farriintan ayaa ku xusneed, “Run ahaantii tani ma waxa aan sameyn doono hadda? Fadhiiso oo daawato xasuuq ka dhacaya telefishanka?"

Waxay intaas raacisay, "Intee in le'eg ayay tahay in tirada dhimashada Falastiiniyiitu gaarto si aan kor ugu qaadno codkeena? 10,000? 100,000? 1 milyan?"

Waxay ku soo gabagebeysay, “6 kun oo bambaanooyin ayaa lagu tuuray 6 maalmood gudahood... Waa xasuuq baaxad leh oo aanan weligey arag inta aan noolahay."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM