Gaza: Ciidamadda Yahuuda oo hareereeyay saddex isbitaal

Image
Afar Falastiiniyiin ah ayaa Talaadadii lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil.

DOOXA, Qadar - Afar Falastiiniyiin ah ayaa Talaadadii lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil intii lagu jiray duqeyn ay Yahuuda ku qaadday magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Jenin iyo xeradeeda qaxootiga.

Wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta iyo wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA ayaa shaaca ka dhigay in laga cabsi qabo in khasaaraha dhimashada uu intaas kasii bato.

Hal qof oo kale kaasoo la aaminsan yahay in uu shacab yahay ayaa ku dhaawacmay weerarka ka dhacay xaafadda Al-Sibat ee magaalada Jenin, sida ay sheegtay WAFA.

Agaasimaha isbitaalka Jenin kaasoo si weyn xudun ugu ahaa dhacdooyinka iska-caabinta Yahuuda ayaa u sheegay wakaalada in Falastiiniyiinta si toos ah loo beegsaday.

Ciidamada Israa'iil oo ku doodaya in ay wadaan howlgalo ay isku-difaacayaan ayaa ku hareeraysan saddex isbitaal oo aagga ku yaalla, sidda ay raacisay WAFA.

Weerarkan ka hor, wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 275 Falastiiniyiin ah lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto tan iyo weerarkii 7-dii Octobar ee Israa’iil ay ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ee ka howlgala Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Croatia oo Diiday inuu Aqbalo Danjiraha Cusub ee Israel

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa sheegtay inay la shaqaynayso dhiggooda dalka Croatia.

  • Caalamka

    19-05-2026

  • 08:51AM

Trump oo Hakiyey Weerar Lagu Qaadi Lahaa Iran Kadib Codsi uga Yimid Hoggaamiyeyaasha Khaliijka

Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad..

  • Caalamka

    18-05-2026

  • 09:12PM