Geerida dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya oo "gaareysa" 50,000 qof

Image
Qaramada Midoobay ayaa saadaalisay in dhimashadda ay laba jibaarmi doonto maalmaha soo aadan.

ANKARA, Turkey - Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii Turkiga iyo Suuriya ayaa "laba jibaarmaysa" marka loo eego heerka ay hadda marayso oo ah 28,000, sidda uu sheegay madaxa gargaarka Qaramada Midoobay.

Martin Griffiths ayaa gaaray magaalada Kahramanmaras ee koonfurta Turkiga, halkaasoo ah xudunta dhulgariirka ugu horeeyay ee cabirkiisu ahaa 7.8 kaasoo kiciyay malaayiin qof saacadihii hore ee Isniinta.

Griffiths ayaa wareysi uu siiyay Sky News ku yiri: "Waxaan u maleynayaa inay adag tahay in si sax ah loo qiyaaso maadaama aan u baahanahay inaan hoos galno burburka laakiin waxaan hubaa inay labanlaabmi doonto ama ka badan tahay".

Saraakiisha iyo dhakhaatiirta caafimaadka ayaa xaqiijiyey in 24,617 qof uu dhul-ruxankan ku dilay Turkiga iyo 3,574 oo lagu dilay Suuriya. Wadarta guud ayaa hadda mareysa 28,191.

Tobanaan kun oo shaqaale samatabbixin ah ayaa ku wareegaya xaafado siman in kasta oo cimiladu qabowdahay taasoo sii xoojisay darxumada malaayiinta ay hadda u baahan yihiin gargaar.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ugu yaraan 870,000 qof ay si degdeg ah ugu baahan yihiin cunto kulul guud ahaan Turkiga iyo Suuriya. Ilaa 5.3 milyan qof ayaa laga yaabaa inay ku guryo beeleen Suuriya oo keliya.

Ku dhawaad ​​26 milyan oo qof ayaa uu saameeyay dhulgariirka. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa dalbadey 42.8 milyan oo doolar si ay ula qabsadaan baahiyaha caafimaad ee degdegga ah.

Hay'adda musiibooyinka Turkiga ayaa sheegtay in in ka badan 32,000 oo qof oo ka socda hay'adaha Turkiga ay ka shaqeynayaan dadaallo goobid iyo samatabbixin ah. Waxa kale oo jira 8,294 samatabbixiye caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM