Germany: booliska oo qabtay dad lala xiriirinayo Al-shabab

Image

[GO, Isniin, Sep 8, 2014]— Garoonka diyaaradaha magaalada Frankfurt ee dalka Germany, waxaa lagu qabtay saddex nin oo isla dalkaas u dhashay, kuwaasoo ka tegey Bariga Afrika loogana shakisan yahay inay ka tisran yihiin Ururka Al-shabaab.

Warbaahinta maxalliga ah ee Jarmalka ayaa faafisay in saddexda qof oo kasoo dhoofay dhanka dalka Kenya la qabtay todobaadkii tegey dabayaaqadiisii.

Baaritaan ayaa hadda lagu wadaa, mana jirto faah faahin dheeri ah oo ku saabsan in raggaasi ay qorshaynayeen weerarro ay ka geystaan Jarmalka iyo in kale.

Dhanka kale, Hay'adda Sirdoonka Maraykanka ee (FBI), ayaa xaqiijisay in kuwii fuliyey weerarkii lagu qaaday xaruntii dukaamaysiga Westgate Mall ee dalka Kenya uu ku jirey nin haysta dhalashada Norway oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Dhuxulow.

Dhuxulow oo asalkiisu uu Soomaali ah, wuxuu Norway soo galay sanadkii 2004 xiligaasoo ay da'diisu ahayd sagaal sano.

Weerarkii lagu qaaday Westgate Mall oo dhacay bishii September ee sanadkii hore [2013], waxaa ku geeriyooday 67 qof oo u badnaa dad rayid ah.

Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab oo xiriir laleh Al-Qaacida. Hoggaamiyihii ururkaas oo lixdii sano ee ugu dambeeyey Axmed Cabdi Godane, todobaad kahor ayaa lagu diley duqeyn ay geysteen diyaaradaha Maraykanku.

Dad badan oo haysta dhalashada dalalka Yurub iyo Maraykanka ayaa ka barbar dagaallama kooxaha mayalka adag ee ka jira Bariga Dhexe iyo Afrika, dadkaas qayb badan oo kamid ahi waa Soomaali qurbaha ku koray.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM

Xiisada Mareykanka iyo Canada oo sii xoogeysatay

War uu ku qoray bartiisa Truth Social, Trump ayaa Canada ku tilmaamay "waddan aad u adag marka la eego ganacsiga"

  • Caalamka

    28-06-2025

  • 11:18AM