Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Image

WASHINGTON – Aqalka Cad ayaa shaaciyay in Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, uu dib u dhigay safar uu ku tegi lahaa dalka Switzerland, halkaas oo uu hoggaamin lahaa wareeg cusub oo wada-hadallo ah oo lala yeelanayo Iran, kaddib saxiixa heshiis is-afgarad ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

Dib u dhaca safarka ayaa yimid xilli xiisadaha gobolka ay mar kale cirka isku shareereen, kaddib markii Israa’iil ay duqeyn ka fulisay Dooxada Bekaa ee dalka Lubnaan. Militariga Israa’iil ayaa sheegay in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday “goobo kaabayaal u ah ururka Hezbollah”, inkastoo aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

JD Vance ayaa horay u difaacay heshiiska cusub, inkastoo ay dhaliilo uga yimaadeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Israa’iil, isagoo ku dhawaaqay in muddo 60 maalmood ah oo wadaxaajood rasmi ah oo u dhexeeya Washington iyo Tehran ay si rasmi ah u bilaabatay.

Aqalka Cad ayaa sheegay in dib u dhaca safarka uu ku soo beegmay xilli Mareykanku si dhow ula socdo xaaladda amni ee Bariga Dhexe, iyadoo xiisadaha sii kordhaya ay saameyn ku yeelanayaan dadaallada diblomaasiyadeed.

Wada-hadallada Mareykanka iyo Iran ayaa la filayaa inay diiradda saaraan hirgelinta qodobbada heshiiska cusub iyo arrimaha la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran, hase yeeshee wali lama shaacin taariikh cusub oo loo qabtay kulamada lagu waday inay ka dhacaan Switzerland.

GAROWE ONLINE

Related Articles