Mareykanka oo $20 milyan ku bixinaya xogta barnaamijka nukliyeerka Iiraan
WASHINGTON – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay abaalmarin lacageed oo gaareysa 20 milyan oo dollar iyo suurtagalnimada in meel ammaan ah loo raro qofka xog ka bixiya barnaamijka nukliyeerka Iiraan, gaar ahaan goobaha uu ka socdo, qalabka loo adeegsado iyo shaqsiyaadka ku lugta leh.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in barnaamijkeeda Rewards for Justice uu abaalmarinta siinayo cid kasta oo keenta xog wax ku ool ah oo ku saabsan xarumaha nukliyeerka Iiraan, qalabkooda, shaqaalaha la xiriira iyo dhaqdhaqaaqa goobahaas ama dadka ku lugta leh.
Barnaamijkan ayaa sidoo kale raadinaya xog ku saabsan xubnaha bulshada saynisyahannada Iiraan iyo shaqsiyaadka kale ee aqoonta ama xiriirka la leh hawlaha nukliyeerka dalkaas.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa Jimcihii ku baahiyay baraha bulshada ogeysiiska abaalmarinta, isaga oo xaqiijiyay in dalabku qeyb ka yahay dadaallada Washington ay ku doonayso inay xog dheeraad ah uga hesho barnaamijka nukliyeerka Tehran.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in u hoggaansanaan la'aanta Iiraan ee waajibaadka ilaalinta nukliyeerka ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) ay sababtay in hay'addu ay lumiso waxa ay ugu yeertay "continuity of knowledge", taas oo la xiriirta la socodka wax-soo-saarka iyo kaydka qaybo muhiim u ah barnaamijka, gaar ahaan mashiinnada lagu kobciyo uranium-ka ee loo yaqaan centrifuges.
Sida ay wasaaraddu xustay, IAEA ayaa warbixin ay soo saartay sannadkii 2025 ku sheegtay in Iiraan ay kobcinaysay uranium gaaraya 60 boqolkiiba saafi ahaantiisa, taas oo aad uga sarreysa heerarka caadiga ah ee loo adeegsado tamarta nukliyeerka rayidka ah.
Heerkaas ayaa sidoo kale ku dhow 90-ka boqolkiiba ee guud ahaan loo baahan yahay marka la doonayo in uranium loo adeegsado hubka nukliyeerka.
Hay'addu waxay sheegtay in haddii uranium-ka heerkaas la gaarsiiyay si dheeraad ah loo kobciyo, tiradiisu ay ku filnaan karto soo saarista dhowr hub oo nukliyeer ah, sida lagu xusay ogeysiiska barnaamijka abaalmarinta Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee, Washington ma aysan shaacin shuruudo faahfaahsan oo lagu go'aaminayo xogta mudan in la bixiyo abaalmarinta ugu badan ee 20-ka milyan ee dollar ah, mana cadda inta lacag ah ee la siin doono xogaha kala duwan.
Barnaamijka Rewards for Justice waxaa la aasaasay sannadkii 1984-kii, waxaana maamusha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Ujeeddadiisu waa in lagu helo xog gacan ka geysan karta ilaalinta danaha iyo amniga Mareykanka, iyadoo dadka xogta muhiimka ah keena la siinayo abaalmarin lacageed iyo, xaaladaha qaarkood, fursad dib-u-dejin.
Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli Mareykanka iyo Iiraan ay ku jiraan dagaal socday in ka badan siddeed bilood, iyadoo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ay socdaan.
Madaxweyne Donald Trump ayaa marar badan sheegay in weerarrada Mareykanka ay si weyn u burburiyeen barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Hase yeeshee, dalabka cusub ee abaalmarinta ayaa muujinaya in Washington ay weli raadineyso xog ku saabsan xarumaha, qalabka iyo shaqsiyaadka la xiriira barnaamijkaas.
Dhanka kale, Qatar ayaa dadaallo dhexdhexaadin ah ka wada Washington iyo Tehran, iyadoo labada dhinac la horgeeyay soo-jeedinno lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka la xiriira barnaamijka nukliyeerka iyo in la joojiyo dagaalka.
Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa horay u sheegay in dowladdiisu dooneyso in xiisadda lagu xalliyo wada-hadal, inkasta oo weli ay jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan shuruudaha heshiis kasta.
Iiraan ayaa muddo dheer ku adkeysaneysay in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed oo loogu talagalay cilmi-baarista iyo tamarta, halka Mareykanka iyo xulafadiisu ay walaac ka muujiyeen suurtagalnimada in Tehran ay awooddaas u adeegsato sameynta hub nukliyeer ah.
GAROWE ONLINE