Soomaaliya oo wajahaysa khataro is-biirsaday oo dhalin kara firaaqo amni iyo qalalaase siyaasadeed

Image

MUQDISHO — Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalado is-biirsaday oo ay ka mid yihiin dhimista taageerada ciidamada caalamiga ah, khatarta joogtada ah ee Al-Shabaab, khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha iyo xiisadaha gobolka, kuwaas oo sare u qaadaya walaaca laga qabo xasilloonida dalka.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli ciidamada Midowga Afrika ay bilaabayaan inay mas'uuliyadaha amniga ku wareejiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay sidoo kale sii yaraanayaan taageeradii dhaqaale iyo midda farsamo ee beesha caalamku siinaysay hay'adaha amniga Soomaaliya.

8-dii Agoosto, ciidamada Itoobiya ee ku jiray howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ciidamada Itoobiya ayaa saldhiggaasi joogay tan iyo sannadkii 2014-kii.

Wareejinta saldhigga ayaa ka dhigan in ciidamada Soomaaliyeed ay si toos ah ula wareegayaan mas'uuliyadda amniga deegaanka, oo ay ku jiraan ka hortagga weerarrada Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Hase yeeshee, falanqeeyayaasha amniga ayaa su'aal gelinaya awoodda ciidamada Soomaaliya ay ugu filnaan karaan buuxinta kaalinta ciidamada shisheeye, gaar ahaan xilli taageerada caalamiga ah ay sii yaraanayso.

"Arrintu ma aha in ciidamada Itoobiya ay sii joogaan Soomaaliya muddo aan dhammaad lahayn, mana aha in madax-bannaanida Soomaaliya gorgortan geli karto. Su'aashu waxay tahay in dowladda la wareegaysa mas'uuliyadda saldhigga ay haysato saadka, sirdoonka, awoodda gurmadka iyo sharciyadda siyaasadeed ee ay ku difaaci karto," ayuu qoray falanqeeye Abdi Guled, oo qoraallo ku daabaca warsidaha Horn Briefs.

Wareejinta saldhigga Buurhakaba ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli ay taagan tahay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo la xiriirta arrimaha madax-bannaanida iyo Somaliland.

Dhanka kale, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa wajahaya hoos u dhac dhaqaale oo baaxad leh, iyadoo ugu yaraan $500 milyan oo taageero caalami ah la filayo inay dhammaato marka la gaaro 31-ka Diseembar 2026.

UNSOS ayaa taageero saadka iyo adeegyo kale siiya ku dhowaad 12,000 oo askari oo ka tirsan AUSSOM iyo ilaa 20,900 oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Taageeradaasi waxay ka kooban tahay cunto, biyo, shidaal, gaadiid, daad-gureynta dhaawacyada, isgaarsiinta, injineernimada, dayactirka qalabka iyo adeegyo kale oo muhiim u ah howlgalada ciidamada.

Hay'addu waxay bishii Agoosto sheegtay inay bil kasta gaarsiiso ku dhowaad 240 tan oo raashin ah saldhigyada iyo goobaha ay ciidamada kaga sugan yihiin qeybaha kala duwan ee dalka.

Hoos u dhaca dhaqaalaha ayaa keenaya su'aalo ku saabsan sida loo sii wadi doono gaarsiinta sahaydaas marka la gaaro Janaayo 2027.

"Askari jooga saldhig fog ma dareemo saameynta maalgelinta caalamiga ah inay tahay arrin diblomaasiyadeed oo keliya. Wuxuu ku dareemaa shidaal soo gaaraya ama aan soo gaarin, cunto la gaarsiiyo, helitaanka diyaarad lagu daad-gureeyo dhaawacyada iyo rasaas la geeyo goobta ka hor weerar," ayuu qoray Guled.

Mohamed Daud Ismail, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan mashruuca ACLED ee dabagalka colaadaha hubeysan, ayaa sheegay in dhaqaale-yaraantu ay howlgalka AUSSOM ka dhigi karto mid aan sii socon karin dhinaca hawlgallada.

"Haddii aan si degdeg ah loo helin ilo dhaqaale oo caalami ah oo beddela taageerada hadda jirta, AUSSOM waxay wajihi kartaa burbur hawlgal marka la gaaro 2027," ayuu qoray Ismail.

Wuxuu ka digay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo weli wajahaya caqabado dhanka qalabka, saadka iyo awoodda hawlgalka ah, aysan diyaar u ahayn inay kaligood maareeyaan howlahaas baaxadda leh.

Ismail ayaa saadaaliyay in Al-Shabaab ay isku dayi karto inay ka faa'iidaysato meelaha ay ciidamada Midowga Afrika ka baxaan, iyadoo kordhin karta weerarrada bilaha ugu dambeeya ee 2026 iyo sannadka 2027.

Wuxuu sheegay in kooxdaasi isku dayi karto inay dib u qabsato deegaanno ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, isla markaana ay khatar toos ah ku keento magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho iyo Kismaayo.

Dhammaadka howlgalka Qaramada Midoobay

Caqabadaha amniga ayaa barbar socda dhammaadka howlgalka Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), kaas oo si rasmi ah u soo afjarmay dhammaadkii bishii Oktoobar.

Ka hor xiritaanka howlgalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallim Maxamuud, ayaa u mahadceliyay wakiilladii UNTMIS taageeradii ay siiyeen hay'adaha garsoorka, gaar ahaan dhisidda awoodda hay'adaha, horumarinta shuruucda iyo siyaasadaha iyo dib-u-habaynta nidaamka asluubta.

Hase yeeshee, falanqeeyayaasha ayaa su'aal ka keenaya in hay'adaha dowladda Soomaaliya ay sii wadi karaan horumarkii lagu gaaray taageerada Qaramada Midoobay.

Xarunta cilmi-baarista iyo siyaasadda ee FTL Somalia ayaa sheegtay in dhammaadka UNTMIS uu dib u soo nooleynayo su'aal muddo dheer taagnayd oo ku saabsan awoodda hay'adaha qaranka ee ay ku sii wadi karaan guulihii lagu gaaray taageerada caalamiga ah.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa hadda la wareegaysa shaqooyinkii UNTMIS, iyadoo taageero ka helaysa Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC).

Cilmi-baarayaasha FTL Somalia ayaa sheegay in wareejinta mas'uuliyaddu ay muujinayso hannaan tartiib-tartiib ah oo lagu aqoonsanayo in awoodda hay'adaha qaranka ay weli u baahan tahay horumarin.

Khilaafka siyaasadeed oo sii murjinaya xaaladda

Dhammaan caqabadahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, kuwaas oo ka soo horjeeda faragelinta Muqdisho ee doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo wax-ka-beddellada dastuurka.

Qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ayaa diiday isbeddellada dastuuriga ah, iyagoo ku doodaya inay awoodda dalka ku ururinayaan dowladda federaalka.

Falanqeeye Abdi Guled ayaa sheegay in Soomaaliya aysan qasab ahayn inay qarka u saaran tahay burbur degdeg ah, balse ay jirto khatar ka sii adag oo ah in si tartiib ah u wiiqanto nidaamkii iyo kaabayaashii taageerayay amniga dalka.

Wuxuu xusay in hoos u dhaca taageerada caalamiga ah uu dhacayo xilli midnimada siyaasadeed ee dalka ay sii daciifayso.

Isku darka dhimista ciidamada shisheeye, hoos u dhaca dhaqaalaha amniga, dhammaadka howlgalka Qaramada Midoobay iyo khilaafaadka siyaasadeed ayaa Soomaaliya gelinaya marxalad xasaasi ah, iyadoo awoodda dowladda ee ay ku ilaalin karto amniga iyo xasilloonida dalka ay wajahayso imtixaan culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Ruushka ka iibsanaysa S-400 xilli uu dagaalka Bariga Dhexe uu socdo

Wada hadallada ayaa sidoo kale la sheegay inay ku saabsanaayeen qorshe lagu dhisayo dhuun cusub oo gaaska qaadda.

  • Caalamka

    07-11-2026

  • 05:09AM

Abdul El-Sayed oo noqday Muslimkii ugu horreeyay ee loo doorto Aqalka Sare ee Maraykanka

El-Sayed, oo ay dhaleen waalidiin muhaajiriin Masri ah, ayaa hore uga soo shaqeeyay maamulka caafimaadka dadweynaha.

  • Caalamka

    04-11-2026

  • 09:09AM