Giriiga: In ka badan 30 rakaab ah oo ku naf-waayay shil tareen

Image
Shilkan ayaa ka dhacay meel ka baxsan magaalada Larissa goor dambe oo Salaasadii shalay ahayd.

ANKARA, Turkey - Ugu yaraan 32 qof ayaa ku geeriyootay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen laba tareen oo marayay bartamaha waddanka Giriiga.

Shilkan ayaa ka dhacay meel ka baxsan magaalada Larissa goor dambe oo Salaasadii shalay ahayd markii tareen rakaab ah oo ka soo ambabaxay magaalada Athens kuna sii jeeday magaalada Tesaloniika ee woqooyiga dalkaasi ay isku dhaceen tareen xamuul oo ka soo ambabaxay magaalada Thessaloniki.

Cutubyo ka tirsan cisbitaalka oo loogu talagalay in ay daaweeyaan dadka ku gubtay aagga ayaa si degdeg ah loogu yeeray si ay u baxbaaniyaan dhibaneyaasha dhacdadan.

Maamulka tareenada ee Hellenic Train oo qoraal koobay soo saarey ayaa sheegay in 350 qof ay saarnaayeen tareenka, kaas oo ka baxay Athens abbaare 7.30pm (17:30 GMT).

Intaas waxaa wehlisa, Waaxda Dab-damiska oo dhankeeda bayaan kooban faafisay ayaa hoosta ka xariiqdey in lagu wargeliyay shilkan wax yar ka hor saqdii dhexe ee xalay.

Shir deg deg ah oo dowladeed ayaa la abaabulay shilka kadib, waxaana goobta tagay wasiirka caafimaadka Giriiga Thanos Plevris kaasoo u tacsiyeeyay ehelada dadka dhintay.

Hanaanka Tareenadda Talyaaniga ayaa qeyb ahaan waxaa sanadkii 2017-kii la wareegtay shirkad laga leeyahay Talyaaniga waxaana ay qeyb ka ahayd qorshe lagu kordhinayo badqabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM