Gobol ku yaala Mareykanka oo diidey mamnuucida addoonsiga

Image
Afar gobol kale ayaa Talaadadii waxay u coddeeyeen in dastuurkooda ka saaraan ogolaanshaha addoonsiga.

WASHINGTON, United States - Afar gobol oo Maraykan ah ayaa u codeeyay in laga saaro dastuurka gobolkooda luuqadda sheegaysa in addoonsiga uu sharci yahay loona isticmaali karo ciqaab dambiyeed.

Laakin ismaamulka Louisiana waxay u coddeeyay inuu sii jiri karo addoonsiga kadib markii sharci-dejiyaha kafaala qaaday hindisaha codbixinta uu ka soo horjeestay.

Edmond Jordan ayaa sheegay in uu gartay in talaabadiisa ay si bareer ah u ballaarin karto addoonsiga. Dadka u doodaya hindisahan ayaa sheegaya in loo baahan yahay in laga hortago xadgudubyada maxaabiista.

Dadkan waxay rajeynayaan in Dastuurka Maraykanka gaar ahaan Wax-ka-beddelkiisa 13aad kaas oo baabi'iyay addoonsiga laakiin wali wajahaya dal-daloolo wax ka qabasho u baahan.

Alabama, Oregon, Tennessee iyo Vermont dhamaantood waxay u codeeyeen Talaadadii inay dastuurrada gobolkooda ka saaraan oggolaanaya addoonsiga ama addoonsiga aan ikhtiyaarka lahayn iyagoo isku dayaya inay gebi ahaanba mamnuucaan addoonsiga.

Laakin iyada oo dhammaan codadkii la tiriyay laga soo bilaabo doorashooyinkii xilliga dhexe ee Talaadadii, lix ka mid ah 10-kii codbixiye ee Louisiana ayaa ka soo horjeestay wax ka beddelka.

"Natiijadu waxay awood u siin kartaa maxaabiista inay ka hortagaan shaqada qasabka ah ee nidaamka cadaaladda dembiyada," ayay yiraahdeen khubarada sharciga.

Ilaa 800,000 oo maxbuus ayaa hadda ku shaqeeya lacag dinaar ah, ama haba yaraatee aan waxba qaadaan taasoo ah adoonsi loogu yeeray ciqaab dambiyeed, sida ay khubaradu sheegeen.

Todobo gobol ma siiyaan shaqaalaha xabsiga wax mushahar ah inta badan shaqooyinka loo diro, maxaabiista waa la ciqaabi karaa haddii ay diidaan inay shaqeeyaan. Tani waxaa lagu sheegay xadgudub wax ka qabasho mudan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM