Golaha Ammaanka oo loogu baaqay in uu ka shiro masjidka Al Aqasa

Image
Soojeedinta ayaa imaanaysa kadib markii Wasiirka Amniga Qaranka Israa'iil Itmar Ben-Gvir uu galay barxadda masjidka.

ANKARA, Turkey - Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha ayaa ku baaqay shir uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla Bariga magaaladda la haysto ee Quddus.

Golaha ayaa la filayaa inuu furmo Khamiista, sida ay sheegeen dublamaasiyiinta. Baaqa ayaa imaanaya ka dib markii Wasiirka Amniga Qaranka Israa'iil Itmar Ben-Gvir uu galay barxadda masjidka.

Booqashadan ayaa la kulantey dhaleeceyn xooggan oo caalami ah, iyadoo Mareykanka oo ah saaxiibka ugu dhow ee Israa'iil uu walaac xooggan ka muujiyay xaaladihii u dambeeyay.

"Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay ficil kasta oo hal dhinac ah oo awood u leh inuu sii xumeeyo xiisadda si sax ah sababtoo ah waxaan rabnaa inaan aragno mid liddi ku ah," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price.

Price oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu raaciyey: "Maraykanku wuxuu si adag ugu taagan yahay ilaalinta maqaamka taariikhiga ah ee ku saabsan goobaha barakeysan ee Qudus".

Afhayeenka oo saxaafada la hadlay ayaa waxa uu intaa ku daray in tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo hoos u dhigaysa xaaladda taagan ay yihiin "wax aan la aqbali karin."

Muslimiinta waxay masjidka Al-Aqsa u tahay goobta saddexaad ee ugu barakaysan adduunka. Yuhuuda ayaa dhankooda goobtaas ugu yeera Buurta Macbadka, iyaga oo sheegay in goobtaasi ay ku yaalay labo macbad oo Yuhuuda wakhtiyadii hore.

Israa'iil waxay qabsatay bariga Quddus halkaas oo ay ku ku yaallo al-Aqsa intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ee 1967. 1980-kii ayay hanteen magaalada dhan wallow beesha caalamka aysan aqoonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM