Golaha Loo Dhanyahay oo gaaray qaraar weyn oo ka dhan Israa’iil

Image
Maamulka reer Falastiin ayaa ku tilmaamay qaraarkay in ay guulaysatay diblomaasiyadooda.

WASHINGTON, USA - Golaha Loo Dhanyahay ee Jamciiyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa u codeeyay qaraar taariikhi ah oo ka dhan dowladda Israa’iil, wuxuuna si gaar ah ugu saabsanyahay deegaanada sharci darada ah ee dowladani kasii dhiseyso dhulka reer Falastiin.

Codeyn dhacday ayay 86 dal u codeeyeen qaraarka, waxaa ka aamusay 53 dal, halka 24 dal ay diideen. Qaraarka ayaa Maxkamadda Adduunka ka dalbaya in ay go’aan ka gaarto sharciyadda dhulka ay Israa’iil ka dhiseyso dhulka reer Falastiin.

Go’aanada maxkamaddan ay gaarto ayaa ah kuwa sharci ah, balse maxkamadda ma lahan awood fulineed, waxayna ku xirantahay in dowladaha u hoggaansamaan go’aanada.

Maamulka reer Falastiin ayaa ku tilmaamay qaraarkay in ay guulaysatay diblomaasiyadda Falastiin.

Maraykanka, iyo Ingiriiska iyo dalal kale ayaa kasoo horjeedsaday qaraarka, iyada oo dalalka Islaamka intooda badan, oo ay ku jiraan dowladaha dowladihii Carbeed ee soo celiyay xiriirkii Israa’iil.

Riyaad Mansuur oo ah Danjiraha Falastiin ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aankan Qaramada Midoobay uu yimid maalmo uu ka hor inta aanan xilka loo dhaarin dowladda dhanka mayalka adag u janjeerta ee Israa’iil, taas oo ballanqaaday in ay sii ballaarinayso dhulka sida sharci darada ah lagu dhisayo.

Qaraarka ayaa waxaa xitaa ku jira in Maxkamadda ay aragti sharci ka dhiibato Maqaamka magaalada Qudus oo ay dowladda Israa’iil wax ka badeleyso qariidadeeda.

Sanaddii 2004-tii ayay ahayd markii ugu dambeysay oo ay maxkamadda xukuntay in darbiga ay Israa’iil ka dhiseysay Daanta Galbeed uu yahay mid sharci darro ah, balse Israa’iil ayaa iska dhego tirtay, diidayna go’aanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya iyo Israa’iil oo ku dhow inay gaaraan heshiis

Dawladaha carabta ayaa riixaya in la dhiso dowlad Falastiin taa beddelkeedana ay aqoonsan doonaan Israa’iil.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 06:45AM

Shiinaha oo hawada sarre ka baadi-goobaya ciid iyo dhagxaan

NASA waxa ka mamnuuc ah sharciyan in ay wax wada shaqayn ah, mid toos ah ama mid dadban, la yeelato Shiinaha.

  • Caalamka

    30-04-2024

  • 04:15AM