Golaha Niger oo dhaliilay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay

Image

NIAMAY, Niger - Milatariga Niger oo xukunka la wareegay dabayaaqadii bishii Luulyo ayaa dhalleeceeyay Jimcihii "ficillada khiyaanada leh" ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyagoo ku eedeeyay "in uu carqaladeynayo" ka qaybgalka wakiilka Dalka Niger ku matalayo shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay. .

Taliska milatariga ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Golah difaaca qaranka iyo jamhuuriyada Niger waxay ugu baaqayaan bulshada Caalamka inay markhaati ka noqdaan ficilada khiyaanada ah ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay taas oo wiiqi doonta dadaal kasta oo lagu soo afjarayo qalalaasaha dalkeenna.

Goluhu ayaa sheegay in Guterres uu galay khalad, isagoo hor istaagay in Niger ay si buuxda uga qaybgasho kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Goluhu wuxuu bayaankiisa ku daray in Niger ay si adag u diidayso oo ay u cambaaraynayso faragelinta cad ee Guterres uu ku hayo arrimaha gudaha ee dawlad madax-bannaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM