Google oo fulinaysa balanqaad ay sameysay sanad kahor

Image
Balanqaadkan ayaa la xiriira macluumaadka gaarka ah ee shirkada ka hayso macaamiisheeda.

WASHINGTON, USA - Shirkada Google waxay tirtiri doontaa dhammaan xogta ay ka hayso goobaha ay isticmaaleyaashu booqdeen, sida ay shirkaddu sheegtay, sanad kadib markii ay ballan-qaaday in ay yareyneyso xogta gaarka ah ee ay kaydineyso.

Astaanta shirkadda ee “Timeline” – oo horay loogu yiqiin Location History – wali way u shaqeyn doontaa dadka doorta inay isticmaalaan, iyagoo awood u leh inay dib ugu raacaan taariikhda safaradooda muddo sanado ah si ay u hubiyaan halka ay joogeen wakhti cayiman.

Laakiin dhammaan xogta lagama maarmaan ah ee loo baahan yahay si astaantan ay u shaqeyso waxaa lagu kaydin doonaa gudaha, taleefannadooda ama tablet-yada isticmaalayaasha, iyadoo midkoodna uusan ku keydsanaan doonin server-yada shirkadda.

Email ay shirkadda Google u dirtay isticmaaleyaasha Maps, waxay sheegtay in isticmaaleyaashu haystaan ilaa 1-da December si ay u kaydiyaan dhammaan safarradii hore ka hor inta aan si toos ah loo tirtirin.

Isticmaaleyaasha ayaa wali awood u yeelan doona inay keydiyaan xogtooda haddii ay ka walwalsan yihiin in ay lumiyaan ama ay rabaan inay ku keydiyaan qalabyo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM

Trump oo markii uu ka degay Malaysia la kulmay banaanbax isaga looga soo horjeedo

Madaxweynaha Mareykanka ayaa si weyn u doonaya inuu sheegto door muhiim ah oo uu ku lahaa heshiiskaas.

  • Caalamka

    26-10-2025

  • 05:00AM