Guantanamo Bay: Maxbuuskii ugu da'da weynaa oo lasii daayey

Image
Muwaadinkan u dhashay Pakistan ahna ganacsade weyn ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan argagixisanimo.

WASHINGTON, USA - Saifullah Paracha, oo ah 75 jir haysta dhalashada Pakistan, loona yaqaan maxbuuska ugu da'da weyn xabsiga Guantanamo Bay ee Cuba ayaa dib ula midoobay qoyskiisa ka dib in ka badan 18 sano, xafiiska arrimaha dibadda Pakistan ayaa xaqiijiyay Sabtidii.

"Waan ku faraxsanahay in muwaadin ku xiran dibadda uu dib ula midoobo qoyskiisa," Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Bilawal Bhutto Zardari ayaa ku yiri Twitter.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay soo gebagebeysay hannaan ballaaran oo hay'adaha ka dhexeeya si loo fududeeyo dib u celinta Mr. Paracha," ayuu xafiisku ku yiri bayaan.

Siideyntiisa ayaa la ansixiyay bishii May ee sanadkii hore kadib in ka badan 16 sano oo uu xirnaa.

Paracha ayaa lagu xiray dalka Thailand sanadkii 2003-dii isagoo looga shakiyay inuu yahay taageere Al-Qaacida balse waligiis laguma soo oogin dambiga intii uu xirnaa.

75-jirkan oo ku noolaa Maraykanka ayaa ahaa maalqabeen ganacsade ah oo kasoo jeeda Pakistan. Waxaa lagu eedeeyay in uu fududeeyay weerarkii argagixisanimo ee 9/11 isaga oo adeegsanaya dhaqaalo balse wuu diiday eedeymaha iyo ku lug lahaanshaha argagixisanimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM