Gudoomiye maxkamad oo xil looga qaadey laaluush qaadasho

Image
Mas'uulkan ayaa lagu waddaa in maxkamad lasoo taago si loogu qaado dambiga lagu soo eedeeyay.

KYIV, Ukraine - Guddoomiyihii maxkamada sare ee Ukraine ayaa xilka laga xayuubiyay kadib markii uu ku lug-yeeshay baaritaanka kiis laaluush qaadasho ah iyadda oo guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa ay ku tilmaameen kiiskii ugu weynaa abid.

Kiev ayaa laba jibaartay dadaalka ku doonayso in lagu xakameeyo musuqmaasuqa in kasta oo Ruushku uu ku duulay. Ciribtirka wax-is-dabamarinta ayaa muhiim u ah buuxinta shuruudaha ku biirista Midowga Yurub.

Oleksandr Omelchenko, oo ah xeer-ilaaliye ka tirsan Xafiiska Xeer-ilaalinta Gaarka ah ee Ka-hortagga Musuq-maasuqa (SAPO), ayaa sheegay in garsooraha ugu sarreeya ee Maxkamadda Sare lagu xiray qayb ka mid ah nidaamka laaluushka oo looga shakisan yahay uuna sugayo "ogeysiiska in uu yahay tuhunsane".

Omelchenko ma uusan sheegin magaca garsooraha balse maxkamada waxaa hogaaminayay inta la og-yahay madaxa cadaalada Vsevolod Kniaziev, kaasoo aan si degdeg ah uga hadlin eedeyntan.

"Waqtiga xaadirka ah, madaxa maxkamadda sare waa la xiray, waxaana la qaadayaa tallaabooyin lagu hubinayo shakhsiyaadka kale inay ku lug leeyihiin fal-dambiyeed," ayuu Omelchenko ka sheegay shir ay si wadajir ah ula yeesheen Xafiiska Qaranka ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Ukraine (NABU).

NABU ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in hay’adaha la dagaalanka musuq-maasuqa ay baarayaan musuqmaasuqa baaxadda leh ee ka jira nidaamka Maxkamadda Sare, waxayna la wadaageen sawir muujinaya lacago dollar ah oo si habsami leh loogu safay fadhiga.

Bayaan kasoo baxay NABU ayaa lagu caddeeyay in madaxa maxkamada sare looga shakisan yahay inuu qaatay laaluush dhan 2.7-milyan oo dollar. Madaxa hay'adda, Semen Kryvonos, ayaa u sheegay in uu yahay kiiskii ugu caansanaa ee ay ku lug lahaayeen hay'adaha Ukraine ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

"Waxaan ku muujineynaa kiisaska dhabta ah, ficilada dhabta ah, waxa mudnaantayadu tahay: waa musuqmaasuqa ugu sarreeya, waa ururrada dembiilayaasha ee heerarka ugu sarreeya," ayuu yidhi.

Kryvonos wuxuu tibaaxay in laaluushka lagu bixiyay xukunka koox uu leeyahay ganacsade caan ah Konstiantyn Zhevago, lagana yaabo inuu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu cadaadiyo maxkamadda. Zhevago wuu diiday inuu khalad sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

  • Caalamka

    28-04-2024

  • 04:23AM

Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

  • Caalamka

    27-04-2024

  • 07:47AM