Guutooyin ku soo biiray howlgallo ay falastiiniyiintu ka wadaan Israa’iil

Image

QASSA - Guutada Al-Qudus oo ah garabka milateri ee dhaqdhaqaaqa Jihaad Islaami, ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in ay ku lug leeyihiin weerarka "Daadadka Al-Aqsa" ee ay bilaabeen dhaqdhaqaaqa "Xamaas" ee ka dhanka ah Israa'iil, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jarmalka.

Afhayeen u hadlay Guutada Al-Qudus ee loo yaqaan Abu Xamza ayaa hadal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in iyaga (Guutooyinka Quddus) ay qayb ka yihiin dagaalka "Daadadka Al-Aqsa" ayna ka barbar dagaalamayaan guutooyinka Al-Qassam (garabka militari ee Xamaas) ilaa ay ka gaaraan guusha.”

Xamaas ayaa maanta weerar aan horay loo arag ee ay ugu magacdartay "Daadadka Al-Aqsa" ku qadday Israa'iil, kaas oo ay u adeegsadeen kumanaan gantaallo ah oo lagu riday dhanka Israa'iil.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in tiro askar ah oo Israa’iiliyiin ah la qabtay loona gudbiyay marinka Qassa.

Dhankiisa, Ihsan Ataya, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa "Jihaad", ayaa hadal kooban oo uu siiyay wakaaladda wararka (Caalam Al-carabi) waxa uu yrhi: “Waxaan diyaar u nahay in aanu qaadno iska horimaad milatari oo ka dhan ah gumaysiga, waxaanu gaadhi doonaa guulo waaweyn”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM