Guyana: Caruur ku dhimatay dab qabsadey iskuul nooca la jiifto

Image
Dugsiga uu dabka qabsadey ayaa ku yaalla magaalada laga qodo dahabka ee Mahdia.

LONDON United Kingdom - Ugu yaraan 20 carruur ah ayaa ku dhintay dab ka kacay iskuul nooca la jiifto oo ku yaalla bartamaha dalka Guyana, sida ay sheegtay dowladda waddankan ku yaalla qaaradda South America.

“Waa wax laga naxo. Waa xanuun,” ayuu yiri Madaxweyne Cirfaan Cali goor dambe oo Axadii ah. Sababta dabka Axadii ayaan weli la ogaan. Baaritaan ayaa lagu bilaabay.

Dugsiga uu dabka qabsadey ayaa ku yaalla magaalada laga qodo dahabka ee Mahdia oo ka tirsan degmada Potaro-Siparuni oo 320km (200 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Georgetown.

Wargeyska maxaliga ah ee Stabroek News ayaa ku waramay in dabku uu ka kacay guri ay gabdhuhu seexdaan, cimilo xumadana ay caqabad ku noqotay dadka gurmadka degdega ah hawada uga jawaabaya.

Ra'iisul Wasaare Mark Phillips ayaa hogaaminaya koox ka kooban golaha wasiirada iyo mas'uuliyiin kale oo tagaya Mahdia iyadoo wasiirka arrimaha gudaha Robeson Benn uu durba ku sugan yahay garoonka.

Xildhibaanadda mucaaradka Natasha Singh-Lewis ayaa ku baaqday in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo isla markaana cadaaladda lasoo taago cid kasta oo ku lug lahayd dhacdadan.

"Waxaan u baahannahay in aan fahamno sida falkan uu u dhacay oo aan qaadno dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan uga hortagno musiibadan oo kale inay mar kale dhacdo mustaqbalka," ayay tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: "Haddii Israel Markale Nasoo Weerarto, Xitaa Maraykanka Ma Badbaadin doono Netanyahu"

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisadaha u dhexeeya Israel iyo Iiraan ay sii kordhayaan, kadib markii dagaallo iyo weeraro isdhaafsi ah.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:44AM

Fatahaadda Texas: 46 Qof oo Geeriyooday, 27 Carruur ah oo Weli La La’yahay

Waxaa la filayaa in dowladda dhexe ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah si gacan looga helo gurmadka iyo taageerada dadka ay masiibadu saameysay.

  • Caalamka

    06-07-2025

  • 05:17AM