Hal sano guurada dagaalka Putin ee Ukraine: Faa'iido mise khasaaro?

Image
Caalimka arimaha siyaasadda ee Maraykanka ah, Stephen Walt, ayaa maqaal uu kaga hadlay dagaalka dalka Ukraine ee sanad jirsaday ku qoray wargeyska Foreign Policy.

WASHINGTON, USA - Caalimka arimaha siyaasadda ee Maraykanka ah, Stephen Walt, ayaa maqaal uu kaga hadlay dagaalka dalka Ukraine ee sanad jirsaday ku qoray wargeyska Foreign Policy iyo arimaha uu ku guul-daraystay.

Stephen Walt ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka, Viladamir Putin, uu ku guuldaraystay in uu qiyaaso hadii uu dagaal ku qaado dalka Ukraine in ay mudada intaas le'eg ay is difaaci doonaan ciidamada dalka Ukraine isla markaana awoodoodu ay dhan tahay in ay ka hor tagaan duulaanka Ruushka.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Ruushka uusan marna filanayn kaalmada deg-dega ah iyo garab istaagga buuxa ee dalalka NATO ku bahoobay ay la garab istaageen dalka Ukraine.

Ruushka ayaa filayay in uu Shiinaha oo iibsada in badan oo shidaalka wadankiisa ah uu ku garab siin doono dagaalka balse taasi waa beenawday kadib markii Shiinuhu ilaa hadda uusan siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan u garab istaagin Ruushka.

Waxyaabaha uu ku guuleystay Putin ee maqaalka lagu sheegay ayaa waxaa kamid a:

Maqaalka ayuu ku sheegay in Putin uu ku saxsanaa filashadiisa in ciidamada wadankiisu aysan u dhutinayn khasaaraha aan yarayn ee kasoo gaari doona duulaan ay Ukraine ku qaadaan isla markaana shacabka dalkiisu aysan ku kici doonin taasi oo ilaa haatan sanad kadib aanay shacabkiisu kahor imaan dagaalka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in uu Putin ku guuleystay in ay dhabawdo filashadiisa ah in cunaqabatayno dhaqaale oo ay kusoo rogaan Maraykanka iyo xulafadiisu aysan wax badan yeeli doonin dalkiisa isla markaana uu ka gudbi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM