Halaga Barakaco Tehran – Trump oo Digniin Diray xilli Dagaalka Israel iyo Iran Sii Xoogeysanayo

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin culus u diray dadka ku nool Caasimada Iran, ee Tehran, isaga oo sheegay in dagaalka cirka ee u dhexeeya Israel iyo Iran uu sii socon doono oo aan la filayn wax nasasho ah.

Trump ayaa sheegay in “wax weyn socdaan” islamarkaana laga yaabo inuu u diro wakiillo sare oo Mareykan ah si ay ula kulmaan madaxda Iran, hase yeeshee uu rabo “heshiis dhab ah” oo lagu joojin karo hanjabaadda nukliyeer.

Hadalkan Trump oo si lama filaan ah uga soo yeeray xilli uu kasoo ambabaxayay shirka G7 ee dalka Canada, wuxuu ku sheegay in Israel ay sii wadi doonto weerarada ay ku qaadayso Iran, taasoo durba galaaftay saraakiil sare iyo saynisyahanno muhiim ah oo ka tirsanaa Iran.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka uusan wax xiriir ah la lehayn heshiis xabad-joojin ah oo la sheegay inuu socdo, isagoo beeniyey hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Digniinta Trump iyo sii socoshada dagaalka ayaa sababay cabsi xooggan oo laga qabo inuu faraha ka baxo, iyadoo dad badan ay bilaabeen inay ka barakacaan magaalada Tehran iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Iran.

Dowladda Israel waxay sheegtay in ay hadda gacanta ku hayso hawada Iran, islamarkaana ay damacsan tahay in ay kordhiso weerarada maalmaha soo socda.

Isbeddelkan lama filaanka ah ee xaaladda ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli Mareykanka uu sheegay in ujeedadiisu tahay in Iran laga joojiyo horumarinta hubka nukliyeerka, balse aan loo dulqaadan doonin wax khatar ah oo ka imaan karta dhinaca Tehran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad ku dhacday Badda kadib markii ay ka baxday Garoonka Hong Kong

Mas’uul ka tirsan Waaxda Dab-damiska ayaa weriyeyaasha u sheegay in labada qof ee dhintay ay kala ahaayeen darawalkii gaariga ilaalinta amniga.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 11:44AM

Xuutiyiinta Taageerada ka Hela Iran oo Qabtay Shaqaale ka Tirsan Qaramada Midoobay

Xaaladdan ayaa si weyn uga sii daraysa xaaladda amni iyo shaqo ee Qaramada Midoobay ee Yemen.

  • Caalamka

    20-10-2025

  • 08:40AM