King Charles III: Hantida gaarka ah uu dhaxayo boqorka cusub ee UK

Image
Dowladda Ingiriiska ayaan wax qoondo ah ku yeelan doonin kamana qaadeyso wax canshuur ah.

LONDON, United Kingdom - Boqor Charles III ma dhaxlayo kaliya taajka kadib dhimashadii hooyadiis, Queen Elizabeth II, hase ahaatee, wuxuu la wareegayaa hantideeda gaarka ah - iyadoo aan la bixinin wax canshuur ah.

Boqorrada Ingiriiska loogama baahna inay soo bandhigaan dhaqaalahooda gaarka ah. Balse, sidda laga soo xigtey Sunday Times, boqoraddu waxay lahayd hanti gaar ah oo dhan ilaa $428 milyan.

Inta ugu badan ee hantida shakhsi ahaaneed ee boqoradda waxay ku wareegi doontaa Charles iyada oo aan dawladda Ingiriiska aysan xataa ka heli doono inyar oo kamid ah hantidaas.

Hantida dhabta ah ee boqortooyada oo ka kooban dhulal, farshaxanka iyo dahabka, oo lagu daray guryaha rasmiga ah iyo kaydka boqortooyada ayaa dastuur ahaan waxaa gacanta ku haynaya boqorka.

Sidoo kale, taajka ka sameysan dahabka, oo lagu qiyaasay in uu qiimahiisu uu gaarayo $3 tiriliyan kaasoo kaliya ee astaan ​​ahaan iska leh boqoradda, waxaa si toos ah loogu wareejinayaa qofka badalaya.

Hantida gaarka ah ee boqorada ayaa lagu dari doonaa maalka uu shaqsi ahaan u leeyahay Charles kaas oo lagu qiyaasay ilaa 100 milyan oo doolar, sidda laga soo xigtey Celebritynetworth.com.

Charles waxa kale oo uu ka heli doonaa Khasnadda Boqortooyada Midowday ee UK deeqaha sannadlaha ah, taas oo loo qoondeeyay 15 boqolkiiba faa'iidada ka soo baxda shirkadda Crown Estate, oo boqorku isku soo dhiibo dawladda iyada oo la raacayo heshiis la gaarey 1760.

Deeqdan ayaa waxay dabooshaa kharashaadka hawlgelinta rasmiga ah ee boqortooyada iyo xubnaha kale ee sarsare ee qoyska boqortooyada, bixinta mushaharka shaqaalahooda iyo ilaalinta qasriyada boqortooyada.

Dhanka kale, Charles wuxuu waayi doonaa Duchy of Cornwall oo ah qasri kale oo ku yaal koonfur-galbeed England. Sanadkii hore 2021 ayaa lagu qiimeeyay aduun lacageed dhan $26 milyan.

Qasrigan waxaa 1337 dhisay Edward III si ay u dagaan wiilkiisa oo ahaa dhaxal-sugaha amiir Edward. Hadda waxaa qaadan doona wiilka ugu weyn Charles, oo ah amiir Prince William kaasoo hadda ah dhaxal-sugaha boqorka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM