Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Image

Kathmandu, Nepal – Sushila Karki, oo horey u ahayd guddoomiyihii maxkamadda sare ee Nepal, ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay inay noqoto ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee dalka, kaddib markii mudaharaadyo rabshado wata oo looga soo horjeeday musuqmaasuqa ay meesha ka saareen xukuumaddii hore.

Karki, oo 73 sano jir ah, ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa dalka saboolka ah ee buuraleyda Himalaya, kaddib heshiis siyaasadeed oo ay la gaartay hogaamiyeyaasha dibadbaxyada.

In ka badan 50 qof ayaa ku dhintay iskahorimaadyo dhex maray dadka mudaharaadaya iyo booliiska rabshadaha ka hortaga intii uu socday kacdoonka maalmahan socday, kaasoo ka dhashay amar xukuumaddu ku mamnuucday baraha bulshada.

Inkasta oo amarkii xanibaadda la qaaday Isniintii, haddana dibadbaxyadu durba waxay isu beddeleen dhaqdhaqaaq ballaaran oo lagu diidan yahay musuqmaasuqa iyo cadaalad-darrooyinka.

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka ee magaalada caasimadda ah ee Kathmandu, taasoo cadaadis xooggan ku saartay Ra’iisul Wasaarihii hore KP Sharma Oli, kuna qasbay inuu iscasilo.

Dowladda cusub ee ku-meel-gaarka ah ee ay hoggaamineyso Sushila Karki ayaa wajahaysa caqabado badan oo ay ka mid yihiin soo celinta xasiloonida, dib u dhiska hay’adaha dowladda, iyo soo afjaridda dhaqanka musuqmaasuqa ee dalka ragaadiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Israa’iil: Natiijo aan weli caddayn iyo loollan ku saabsan dhismaha dowladda

Benjamin Netanyahu oo hadda u muuqda in laga adkaaday wuxuu ra’iisul wasaaraha Israa’iil soo noqday muddo ku dhow 19 sano guud ahaan.

  • Caalamka

    28-10-2026

  • 05:02AM

Jay Clayton: Iran waxay diyaarisay qorshayaal ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Warbixintan ayaa imaanaysa iyadoo hore loo soo tebiyay tallaabooyin amni oo la xiriira joogitaanka Mareykanka ee gobolka.

  • Caalamka

    25-10-2026

  • 05:45AM