Haweenka oo dib-u-bilaabay baahinta Tv-yada Afganistan

Image
Image
Image

KABUL, Afghanistan - Dumarka ayaa dib kaga soo muuqdey qaar kamid ah shaashadaha telefishinada waaweyn ee dalka Afghanistan kadib saacado ay ka maqnaayeen markii kooxda Taliban ay xukunka si lama filaan ah ula wareegtay.

ToloNews oo ka mid ah warbaahinta waaweyn ee Afgaanistaan ayaa noqdey telefishinkii ugu horeeyay ee dumarka ay war ka akhriyaan iyaddoo ay awooda u gacan-gashay falaagadda hubeysan.

Madaxa wararka Tolo, Miraqa Popal, ayaa soo dhigtay bartiisa twitter -ka sawir muujinaya haweeney soo -jeedin ah oo wareysaneysa xubin ka tirsan kooxda warfidiyeenka Taliban gudaha istuudiyaha Tv-gaas.

Sidoo kale, wuxuu si gooniya u soo bandhigay sawir muujinaya haweenay ku labisan xijaab oo ka qaybgalaysa kulan subax oo ka dhacay qolka wararka kaasoo u muuqdey mid lagu gorfeynayay howl-maalmeedka.

Si kastaba ha ahaatee, Saad Mohseni, oo ah milkiilaha Moby Group - oo ka kooban Tolo TV iyo Tolo News TV - ayaa shalay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Waxaan kuu xaqiijin karaa in dadkeennu ay hagaagsan yihiin oo aan sii wadi doono baahintayada aan kala go’ lahayn inta lagu jiro ‘kala -guurka’".

Moby Group waa isha ugu weyn madadaalada, wararka iyo barnaamijyada arrimaha taagan ee Afghanistan. TV-ga dowladda, oo ay Taliban la wareegeen fiidnimadii 15 -kii Ogosto, ayaa inta badan baahin jiray barnaamijyo diimeed.

TV-ga Shamshad, oo uu leeyahay kaaliyihii hore ee madaxtooyada, ayaa si weyn baahiyay waxyaabo badan oo taageera Taliban. Kanaalka wuxuu faafiyey muuqaalka dadweyne ku ammaanaya kooxda "in ay soo celisay amniga waddanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM