Hay'adda FBI oo jabsatay kaydkii burcadda Internet-ka

Image
Hay'adda ayaa sheegtay in ay kaashatay hay’ado kale oo sirdoon ka hor tagtay weeraro qorsheysnaa.

WASHINGTON, USA - FBI-da Maraykanka ayaa sheegtay in ay u dhaceen kaydka mid ka mid ah kooxaha dambiilayaasha internet-ka ee adduunka ugu weyn oo lagu magacaabo Hive.

Hay'adda ayaa sheegtay in ay kaashatay hay’ado kale oo sirdoon ka hor tagtay weeraro qorsheysnaa oo lagu qaadi lahaa xogta hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn.

Sida uu sheegay xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka oo shir jaraa’id ka hadlay, Merrick Garlands, tani waa talaabadii ugu weynayd mardhow oo looga hortagayo weerarada joogtada ah ee kooxaha burcadda intenet-ka ay ku qaadaan boggaga dowladaha iyo shirkadaha.

Kooxahan ayaa marka ay jabsadaan bogaga, waxa ay xadaan xogta ku kaydsan ee xasaasiga ah, kadibna waxa ay ciddii lahayd ka dalbadaan lacag madax-furasho ah oo malaayiin doolar ah, haddii kale waxa ay ku hanjabaan in ay faafin doonaan xogta xasaasiga ah.

Sida ku cad diiwaan ay samaysay dowladda Maraykanka, kooxahan oo ku hadla Afka Ruushka, lana sheegay in ay gabbaad siiso dowladda dalkaasi ayaa u dhacay xogta 1,300 hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn, waxayna sameeyeen wax ka badan $100 milyan oo doolar oo madax-furasho ah.

Meelaha sida gaarka ah ay u bartilmaameedsadaan waxaa ka mid ah isbitaalada iyo hay’adaha caafimaad ee Maraykanka iyo dalalka reer Galbeedka, iyada oo meelahani ay yihiin meelo xogta ku kaydsan ee bukaanada ay xasaasi yihiin, shacabkuna aysan marnaba doonayn in xogtiisa caafimaad la shaaciyo, taasina ay keento in madax-furasho ay bixiyaan isbitaalada weerarka saameeyo.

Xukuumadda Washington ayaa anan soo bandhigin haddii cid loo xirey arrinkan, balse waxa uu ka dhawaajiyey in kiis-baar lagu jiro, lana soo xiri doono cid kasta ku leh arrimahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM