Henry Kissinger, rog cadaagii siyaasadda Maraykan-ka oo geeriyooday

Image
Kissinger ayaa kaalin mug leh ka qaatay dagaalkii qaboobaa.

WASHINGTON (GO) - Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Henry Kissinger, ayaa Xalay ku geeryooday gurigiisa ku yaala gobolka Connecticut ee dalka Maraykan-ka sida ay shaacisay hay'addiisa.

Kissinger ayaa ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee xilligii Madaxweynayaasha Richard Nixon iyo Gerald Ford, waxa uu isla markaana kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalkii qaboobaa.

Kissinger waxa uu ku dhashay koonfurta Germany sanadku markuu ahaa 1923, halkaas oo aabbihii uu macalin ka ahaa, qoyskiisu waxa ay ka soo carareen Naasigii Jarmalka, waxana ay yimaadeen dalka Maraykanka 1938-kii, sida ay sheegtay shirkadiisa latalinta.

Waxa uu dejiyay isku soo dhawayntii Washington iyo Moscow iyo Beijing 1970-meeyadii, 1973-kii, si loo aqoonsado dadaalkiisii ​​nabadeed, waxa la guddoonsiiyay abaalmarinta nabadda ee “Nobel Peace Prize’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM