Heshiiska Cardiff maxay ka baran karaan maamullada Soomaaliya?
CARDIFF — Hoggaamiyeyaasha xisbiyada talada haya ee Scotland, Wales iyo Northern Ireland ayaa magaalada Cardiff ku saxiixay heshiis siyaasadeed oo ay ku dalbanayaan in dowladda Britain ay u diyaar garowdo isbeddel dastuuri ah iyo aftiyo ay shucuubta saddexdaas dal kaga tashanayaan mustaqbalkooda.
Heshiiska waxaa kala saxiixday hoggaamiyaha Xisbiga Scottish National Party, John Swinney; hoggaamiyaha Plaid Cymru ee Wales, Rhun ap Iorwerth; hoggaamiyaha Sinn Féin, Mary Lou McDonald; iyo Michelle O’Neill oo ah Wasiirka Koowaad ee Northern Ireland.
Waxay ku dhawaaqeen in awooddii siyaasadeed ee Westminster ay gabagabo ku dhowdahay, isla markaana aysan dowlad dhexe xaq u lahayn inay shacabka Scotland, Wales ama Northern Ireland ka hor istaagto inay si dimuqraadi ah uga arrinsadaan mustaqbalkooda siyaasadeed.
Heshiisku ma aha go’aan ay saddexda dal isla markiiba kaga go’ayaan Britain, mana laha awood sharci oo si toos ah u kala diraysa Boqortooyada Midowday. Waa isbahaysi siyaasadeed oo lagu xoojinayo cadaadiska saaran dowladda dhexe, laguna dalbanayo waddo sharci ah oo loo maro afti, wadaxaajood iyo isbeddel dastuuri ah.
Markii ugu horreysay, saddexda maamul waxaa hoggaaminaya xisbiyo taageersan madax-bannaani ama isbeddel weyn oo lagu sameeyo xiriirka ay la leeyihiin Britain. Scotland waxay doonaysaa afti labaad oo madax-bannaani, Sinn Féin waxay ku baaqaysaa in Northern Ireland ay la midowdo Jamhuuriyadda Ireland, halka Plaid Cymru ay raadineyso awood dheeraad ah iyo mustaqbal ay Wales go’aankeeda yeelato.
Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dhaqaalaha, tamarta, la dagaallanka saboolnimada, xiriirka caalamiga ah iyo suurtagalnimada inay mustaqbalka dib ugu biiraan Midowga Yurub.
Scotland waxay sannadkii 2014 qabatay afti ay 55% codbixiyeyaashu ku diideen madax-bannaanida, halka 45% ay taageereen. Taageerada madax-bannaanida ayaa mar kale xoogaysatay kadib markii Britain ka baxday Midowga Yurub, iyadoo inta badan dadka Scotland ay Brexit-ka ka soo horjeedeen.
Northern Ireland xaaladdeedu way ka duwan tahay labada kale. Heshiiskii Jimcaha Wanaagsan ee 1998 ayaa dhigaya in afti laga qaado mideynta Ireland haddii ay muuqato in aqlabiyadda shacabka Northern Ireland ay taageeri karto. Isbeddel kasta wuxuu sidoo kale u baahan yahay oggolaanshaha shacabka Jamhuuriyadda Ireland.
Wales weli ma cayimin xilli ay qabanayso afti madax-bannaani, balse dowladda Cardiff waxay dalbanaysaa awood dheeraad ah oo la mid ah tan Scotland iyo Northern Ireland.
Dowladda Britain ayaa sheegtay inay taageersan tahay midnimada Boqortooyada Midowday, isla markaana ay mudnaanta siinayso dhaqaalaha iyo hoos u dhigista kharashaadka nolosha halkii ay geli lahayd dood ku saabsan aftiyo cusub.
Inkasta oo heshiiska Cardiff uusan hadda lahayn awood sharci, haddana wuxuu muujinayaa in saddex maamul oo leh himilooyin kala duwan ay samaysan karaan mowqif wadajir ah si ay dowladda dhexe ugu cadaadiyaan wadahadal iyo isbeddel dastuuri ah.
Soomaaliya, heshiiskani wuxuu xusuusinayaa in khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe, Puntland, Jubaland iyo Somaliland aan lagu xallin karin awood iyo go’aanno hal dhinac ah, balse ay u baahan yihiin wadaxaajood iyo oggolaansho siyaasadeed.
GAROWE ONLINE