Hindiya iyo Pakistan oo hadalo isku-dhaafsadey shirka UN-ka

Image
Hindiya iyo Pakistan oo ah dalal deris ah ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah.

NEW YORK, USA - Hindiya iyo Pakistan ayaa hadalo isku-dhaaf-sadey shirka 76aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay. Ra'iisul Wasaare Imran Khan wuxuu dalka ay xilfaaltamaan ku sifeeyay "dhul lagu argagax-geliyo Muslimiinta".

Dhigiisa India, Narendra Modi, ayuu ku qeexay "mid xusul-duub ugu jira ciribtirka Muslimiinta". “Qaabka ugu xun uguna baahsan ee Islaam nacaybka ayaa hadda xukuma Hindiya,” ayuu Khan ku yiri hadaljeedintiisa.

In kasta oo Hindiya ay inta badan iska indho tirto eedeymaha kaga yimaadda Pakistan, haddana diblomaasi da 'yar oo Hindi ah oo ka hadashay isla fadhiga UN-ka ayaa fursad loo siiyey in ay u jawaabto Khan.

Xoghayaha 1aad ee howlgalka UN-ka ee Hindiya, Sneha Dubey, waxay Pakistan ku tilmaamtay "ubucda argagixisada". "Kani waa dal dab-shidi ah oo iska dhigaya dab-damis," ayay tiri.

"Pakistan waxay ku barbaarisaa argagixisada dhulkeeda iyo dhabarkeeda dambe iyagoo rajaynaya inay waxyeellayn doonaan deriskooda," ayay hadaleeda intaas kusii dartey.

Dubey ayaa intaas waxay ku dartey: "Si ka duwan Pakistan, Hindiya waa dimuqraadiyad dhinacyo badan leh oo leh tiro aad u tiro badan oo laga tirada badan yahay ay si baaxad leh uga shaqeeyaan xafiisyadda dowladda".

Hindiya iyo Pakistan oo ah dalal deris ah ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah. Xudunta murankooda waa gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin ee Kashmir halkaasoo ay dhowr jeer ka dhaceen dagaalo dhiig badan uu ku daatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM