Hindiya iyo Pakistan oo hadalo isku-dhaafsadey shirka UN-ka

Image
Hindiya iyo Pakistan oo ah dalal deris ah ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah.

NEW YORK, USA - Hindiya iyo Pakistan ayaa hadalo isku-dhaaf-sadey shirka 76aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay. Ra'iisul Wasaare Imran Khan wuxuu dalka ay xilfaaltamaan ku sifeeyay "dhul lagu argagax-geliyo Muslimiinta".

Dhigiisa India, Narendra Modi, ayuu ku qeexay "mid xusul-duub ugu jira ciribtirka Muslimiinta". “Qaabka ugu xun uguna baahsan ee Islaam nacaybka ayaa hadda xukuma Hindiya,” ayuu Khan ku yiri hadaljeedintiisa.

In kasta oo Hindiya ay inta badan iska indho tirto eedeymaha kaga yimaadda Pakistan, haddana diblomaasi da 'yar oo Hindi ah oo ka hadashay isla fadhiga UN-ka ayaa fursad loo siiyey in ay u jawaabto Khan.

Xoghayaha 1aad ee howlgalka UN-ka ee Hindiya, Sneha Dubey, waxay Pakistan ku tilmaamtay "ubucda argagixisada". "Kani waa dal dab-shidi ah oo iska dhigaya dab-damis," ayay tiri.

"Pakistan waxay ku barbaarisaa argagixisada dhulkeeda iyo dhabarkeeda dambe iyagoo rajaynaya inay waxyeellayn doonaan deriskooda," ayay hadaleeda intaas kusii dartey.

Dubey ayaa intaas waxay ku dartey: "Si ka duwan Pakistan, Hindiya waa dimuqraadiyad dhinacyo badan leh oo leh tiro aad u tiro badan oo laga tirada badan yahay ay si baaxad leh uga shaqeeyaan xafiisyadda dowladda".

Hindiya iyo Pakistan oo ah dalal deris ah ayaa waxaa ka dhaxeysa colaad taariikhi ah. Xudunta murankooda waa gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin ee Kashmir halkaasoo ay dhowr jeer ka dhaceen dagaalo dhiig badan uu ku daatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ciidamada Mareykanka ha toogtaan doon kasta oo miino dhigaysa Hormuz

Telefishinka dowladda Iran ayaa baahiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo ciidamada badda Iran oo la wareegaya maraakiibtaas.

  • Caalamka

    23-04-2026

  • 01:46PM

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM