Hindiya oo askar ku wayday diyaarad ku burburtey xadka Shiinaha

Image
Labada dal waxaa ka dhex-aloolsan xurguf ku saabsan cidda ay hoostagto gobol ku dhow sohdinta.

NEW DELHI, India - Shan askari oo ka tirsan ciidamada Hindiya ayaa ku dhintay markii diyaarad ay saarnaayeen ay ku burburtay meel u dhow xuduudka lagu muransan yahay ee dalkaas uu la wadaago Shiinaha, sida ay sheegtey wasaaradda difaaca.

Diyaarada Helicopter-ka ee Advance Light ayaa ku soo dhacday Jimcihii koonfurta Tuting, oo ah magaalo fog oo u dhow khadka kantaroolka dhabta ah ee kala qaybiya gobolka waqooyi bari ee Arunachal Pradesh ee Hindiya dhulka Shiinaha.

Afar mayd ah ayaa la helay, samatabbixiyeyaashuna waxa ay ku howlan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen qofkii shanaad ee ugu dambeeyey ee diyaaradda helicopter-ka saarnaa, ayaa lagu yidhi bayaanka.

"Ciidanka Hindiya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya (waxayna) si adag u garab taagan yihiin qoysaska laga dhintay," ayuu raaciyey war-saxaafadeedka wasaaradda gaashaandhiga.

Shilkan ayaa imaanaya todobaadyo kadib markii duuliye ka tirsan ciidamada Hindiya la dilay xilli uu ku guda jiray duullimaad caadi ah oo saarnaa diyaarad nooca loo yaqaan Cheetah Helicopter oo ku sugneyd magaalada Tawang ee bariga gobolkaasi.

Shiinaha iyo Hindiya ayaa sanadkii 1962-dii u dagaalamay si culus sababo ku saabsan maamulka Arunachal Pradesh, kaas oo Beijing ay gebi ahaanba sheegato oo ay u aragto qayb ka tirsan Tibet.

Xiisada ayaa ka dhex aloosantay wadamada tan iyo markii ay isku dhaceen meel kale oo ku taal xuduuda lagu muransan yahay ee Himalayan sanadkii 2020 kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 20 askari oo Hindi ah iyo ugu yaraan afar askari oo Shiinees ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM