Hogaamiyaha Iiraan oo soo muuqdey kadib asbuucyo la waysanaa

Image
Ayatollah Ali Khamenei ayaa lagu arkay munaasabad ka dhacdey magaalada caasimada ah ee Tehran.

TEHRAN, Iiraan - Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa Sabtida maanta ah wuxuu kasoo muuqdey shaashadaha iyo baraha bulshadda kadib todobaadyo la waysanaa, sidda ay qortey AP.

Khamenei oo la waysanaa muddo laba todobaad ah ayaa lagu arkay munaasabad uu kula hadlay arday, sidda ku xusan warbixinta AP. Xafladda ayaa waxay ka dhacdey caasimadda Tehran.

Muuqaalo iyo sawirro lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey 83-sano jirkan oo si caadi ah u fadhiya xafladda isla markaana si toos ah u dhageysatay khudbad socotay toddobo daqiiqo.

Hadal-jeedinta oo diiradda lagu saarey arrimo maxali ah ayaa waxaa jeediyey Imam Khomeini Hosseinieh oo kamid ah wadaada shiicada ee dowlada Iiraan si weyn u taageera.

Soo muuqashadda Khamenei ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo si weyn la iskula dhexmarayay todobaadyadii lasoo dhaafay in ay liidato xaaladda caafimaad ee ninka ugu awooda badan Shiicadda.

Khamenei ayaa qalliin lagu sameeyay usbuucii hore ka dib markii uu "aad u bukooday" wuxuuna hadda ku jiraa nasasho iyadoo ay kormeerayaan koox caafimaad, sidda ay warisay New York Times Jimcihii iyadoo soo xiganeysa afar qof oo la socda xaaladdiisa caafimaad.

NYT oo soo xiganaysa mid ka mid ah dadka ayaa raacisay: "Khamenei waxaa qalliin looga sameeyay todobaadkii hore mindhicirku xirmay ka dib markii uu la kulmay calool xanuun aad u daran iyo qandho sare".

Khamenei waxa uu weli qayb ahaan ku curyaansan yahay gacantiisa midig sababo la xiriirta isku day dil 1981-kii. Sannadkii 2014, wuxuu ka badbaaday qalliin kansarka qanjirka 'prostate'. 83-jirkan ayaa ahaa hogaamiyaha ugu sarreeya Iran tan iyo 1989-kii.

Wallow dowladda Iiraan aysan si rasmi ah warbixinadan uga jawaabin, haddana soo muuqashadiisa ayaa kusoo aadaysa iyadda oo maanta ay in ka badan laba milyan oo Shiico ah isugu tageen magaalada Karbala ee Ciraaq.

Shiicadan ayaa xusaya maalinta Arbaeen oo ku beegan 40 maalmood kadib Caashuura, sannadguuradii 7aad ee dhimashadii Imam Xuseen oo ku dhintey dagaalkii Karbala ee qarnigii ugu horreeyay ee taariikhda Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo dhaliilay codsiga soo xirida Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay dalabkan oo sidoo kale lagu soo qabanayo hogaanka Xamaas.

  • Caalamka

    21-05-2024

  • 12:51AM

Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

  • Caalamka

    20-05-2024

  • 03:51PM