Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo amray in la taageero Falastiiniyiinta

Image

PYONGYANG (GO) - Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa amray in la taageero Falastiiniyiinta, xilli uu socdo dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas. Sida laga soo xigtay Wargeyska “Wall Street Journal” ee ka soo baxa dalka Mareykanka

Wargeyska ayaa sheegay in xogtan ay ka heleen Hay’adda Sirdoonka ee dalka deriska la ah ee Kuuriyada Koonfureed.

Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in laga yaabo in Kim Jong Un uu sidoo kale ka fikirayo inuu hub ka iibiyo kooxaha hubeysan ee ku sugan Bariga Dhexe sida Xamaas.

Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Xamaas ay u adeegsatay si lama weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar hub ay soo saartay Kuuriyada Waqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM