Hoggaamiyihii Ikhwaanka ee dhintay isaga oo dil ku xukuman

Image
Yuusuf Al Qardhaawi, mid ka mid ah culumada islaamka ugu caansanayd dunida, ayaa ku geeriyoodey Qadar.

QAAHIRA, Masar - Waxaa geeriyooday Sheekh Yuusuf Al Qardhaawi, mid ka mid ah culumada islaamka ugu caansanayd dunida, isaga oo ku geeriyooday dalka Qatar oo fadhi u ahaa intii muddo ahba, inkasta oo uu u dhashay dalka Masar.

Wuxuu ku dhintay da’da 96 sano jir, wuxuuna ahaa wadaadka ugu sareeya jameecada Ikhwaanka oo meelo badan oo Masar ay ka mid tahay ka dhisan.

Wuxuu martigalin jirin barnaamijka Shareecada iyo Nolosha ee ka baxa Kanaalka Al-Jazeera qeybtiisa Carabiga, isaga oo dadka taleefoonada kusoo waca barnaamijka uga jawaabi jirey weeydiimaha diiniga ah.

Waxa uu si weyn uga soo horjeeday dowladda militariga ah ee afgambiga ku qabsatay dalka Masar ee madaxweyne Cabdicasiis Al Sisi. Madaxweynihii la afgambiyay , markii dambana xabsiga ku dhintay ee Maxamed Mursi ayaa ka tirsanaa ururka Ikhwaanka ee Sheekh Yuusuf Qardhaawi uu madaxda ka ahaa.

Maxkamad ku taala Masar ayaa Al Qardhaawi ku xukuntay dil, iyada oo ku eedeysay in uu ka dambeeyay rabshadihii ka dhacay dalkaasi afgambihii kadib.

Waxa uu qorey wax ka badan 120 kitaab, iyo illaa 60 majalladood oo kale intii uu noolaa, kana qorey mawaadiic kala duwan oo intooda badan diinta islaamka salka ku haya.

Waxa uu dalka Qatar u guuray lixdanaadkii, xilligaas oo uu macalin ka noqday jaamacadda Qatar, markii dambane waxa uu qaatay jinsiyadda Qatar. Sida ay sheegeen culumadii taqiinay, Sheekh Qardhaawi wuxuu ahaa nin doodo iyo wadahadal la galay waddaadada diimaha kale haysta.

Wuxuu taageeray in la isku qarxiyo israa’iil, sidoo kale wuxuu taageeray kacdoonkii Ciraaq kadib markii Saadaam la dilay. Dalalka Imaaraatka, Baxrayn iyo Sucuudiga ayaa dhammaan ku daray liiska dadka la doondoonayo ee mamnuuca ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM