Holland oo cudurdaar ka bixisay addoon ay horey u geysatay

Image
Ra'iisul Wasaare MarkRutte ayaa khudbad uu ka jeediyay magaaladda Hague waxa uu si rasmi ah cafis u waydiistay wadamadii ay gumeyssteen.

LONDON, United Kingdom - Nederland ayaa si rasmi ah raaligelin uga bixisay kaalinta ay ku lahayd adoonsi qaatay muddo 250-sano ah.

"Maanta anigoo ku hadlaya magaca dowladda Holland, waxaan raaligelin ka bixinayaa falkii hore ee dowladda Holland," ayuu Ra'iisul Wasaare MarkRutte ku yiri khudbad uu ka jeediyay Hague.

Rutte ayaa khudbad ku saabsan addoonsiga ka jeedinayey magaalada Hague ee dalka Holland waxa uu ugu yeedhay "waqti macno leh" iyadoo wasiirrada Holland ay u socdaalayaan todobo gobol oo ay hore u gumaysan jireen Koonfurta Ameerika iyo Kariibiyaanka.

Sigrid Kaag, oo ah wasiirka maaliyadda ee Nederland iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka, ayaa booqasho rasmi ah ku tagtay Suriname usbuucii hore "si uu u hubiyo bilowga waqti kale oo muhiim ah laga bilaabo 1-da Luulyo ee sanadka soo socda."

Faracii addoonsiga Nederland ayaa markaas u dabaaldegi doona 150 sano ka dib markii ay ka xoroobeen addoonsiga. Dabbaaldeggan sannadlaha ah waxaa loo yaqaanaa "Keti Koti" (Breaking the Chains) ee Surinamese.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM